Yaa xaday Shillin Somaligii dahabka ahaa?

Yaa xaday Shillin Somaligii dahabka ahaa?



Arar.
Ogaal wadaag, ururinta Xogtaan waxa ay iga qaadatay Wakhti. Adigana waxaan kaa rajeynaa in aad wada Akhriso si aad u ogaato Baadida Adiga shakhsiyan kaa maqan, Anna wixii Ogaal iga dhiman waxaan kaa faa'iidaa ogaalkaaga aad Commentiga iigu reebto.
Yaa Lacagteena Shillin Somaliga ah ku Sawiray Donald Trump, iyo Baadariga Diinta Kirishtaanka. Qeybta Hoose ka akhri.
1. Shillin Somaligii Dahabka
2. Keydkii Dahabka Somalida.
3. Dahabkaaga faa'iidadiisa oo Sadaqo laguu siiyo.
4. Dhul Dowladeed burburintiisaad Lacag ka raadinee, Billions ayaana kuu taal.
5. Million ka deynso Nin aad isagana ku leedahay Billion.


1.Hore waxaa u jiray Shillin Somali Dahab iyo Qalin ka sameeysnaa oo miisaan iyo qiimaba kala sareeyo, Lacagtaa waxaa sameeysay Dowladii Shibilka 1965 iyo 1966 dhinac waxaa uga sawirnaa Madaxweyne :Adan Cade dhinaca kalana Labada Shabeel ee Astaanta Qaranka. Waxa ay aheyd Lacag leheyd Damaanad adag Dahab ahaan ayaana loo iibsan jaray, haddii aad dib u soo celisana waxa ay leheyd Qiima sare.
Dowladii Kacaanku Lacagtaa weey qiimeeysay weyna Xafiday waxa ay aheyd Hanti Qaran oo Dahab ah, waxaana lagu soo bandhigi jiray Carwooyinka Dalka gudihiisa qeybta Bangiga dhexe, haddii aad xasuusato. ( F.S :1-4aad)
2. Waxaa jiray Dahab keyd ahaa oo Somalidu leheyd oo yiil Bank Mareykan ku yaal. Dowladii kacaanka waa loo diiday oo waxaa lagu yiri: Dadku idinma soo dooran. Dowladihii ka dambeeyay ayaa isku dayay in si xirfadeysan oo kala tuurasho ah loo siiyo iyada oo lagu marmarsimoonaa Dalkaa dib u dhis u baahan. Dahabkaa qiimahiisu waxa uu ahaa xasuusteyda qiyastii 70 Million Dollar. Markii aan ka midka ahaa "Board of the Bank" , ogaanteey wakhtigii Md. Cabdullahi yusuf waa soo gaaray, kadibna Aniga iyo Afartii xubnood ee kale waa nalaga saaray Board-ka. Ka joogadii aan dhihi jirnay miyaa la dhibsaday.
3. Inta aan ogahay sanadkii 2024, Dahabkii loo dhoofiyay Dalka Imaaradka Qiimahiisu waxa uu ahaa 350 Million Dollar, faa'iidada ay ka helaan ayey 5% noo siiyaan Sadaqo ahaan si ay siyaasadeena saameyn ugu yeeshaan. Dahab kale oo Suuq madow lagu dhoofiyana waa jiraa.
4. Tan ugu daran. Waxaa jiro Caalamka Lacago Dahab ah oo qadaadiic ah, si loo iibsado waxaa lagu qoraa xayeesiin ahaan Calaamad wadan, wadankaasna waxa uu Lacag ku leeyahay Garamkii la iibiyo oo magacoodu ku yaal. Tan Magaca Somalida leh inta badan waxaa lagu sawiraa Maroodi la leeyahay maroodi Somali, dhinaca kalena labaddii shabeel.
Waxaa sameeyo Shirkada Dowladda Jarmalku leedahay ee Dahabka Lacagtaa ka ganacsato ee la yiraa ( BAVARIAN State mint-- ...Bayerisches Hauptmünzamt)) kuna taal Magaalada Munich, waxaana kor joogteeyo Wasiirka Maaliyadda ee Bavarian, in kabadan 20 Sano ayey si sharci daraa u Sameyneysay kana ganacsaneysay “SOMALI- GOLD COINS" waana mid ka mid ah Shanta meel ee Jarmalka ee Lacagta lagu Daabaco sida, Berlin, Hamburg, karlsruhe iyo Stuttgart. ( F.S:5-6aad)
Dowladda Somalida lagalama tashan, ogolaashana lagama heysto, Bangiga dhexe ee Somaliyina umaba diiwaan gashano, wax dakhli ahna kama soo galaan, Shacabkuna kama helaan wixii ay xaqa u lahaayeen, waxaan ka helnaa Ceeb.
Laga soo bilaabo 2004 waxaa la Suuq geeyay Lacag Shillin Somali Dahab iyo Qalin laguna qiimeeyay Ballaayiin Dollar.
Somali Gold Coin isga oo Qalin ah ayaa markii ugu horreysay la soo saray 2004, kadibna kan Dahabka iyo kan nlatinum ah 2008. Kadibna mar kaliya ayuu Suuq yeeshay dalabkiisu kor u kacay, Dalabkaaga si deg deg ah ayaa laguugu soo diraa DHL ama hab ka fudud, waxa uuna leeyahay Damaanad haddii aad dib u soo celineyso.
Sharci ahaan Cidina xaq uma leh in ay isticmaasho Magacaaga iyo Astaantaada Qaran iyada oo aan fasax u qabin. Waxa ayna Xad gudub ku tahay Qodobada 2,43 iyo 54 ee Dastuurka Somalida

Haddii Somalidu ay daabici leheyd, Lacagtaa oo kale, Jarmalku cudur daar kaliya nagama yeeleen ee magdhaw culus ayaa nalaga qaadi lahaa, kaligood ma ahan ee Ingiriiskuna waa sameeyaa Lacagtaa Dahabkaa ee sida sharci daradaa loogu daabacday Astaanta Qaranka Somaliyeed.
Ma ahan in Calaamadda Somalida Maroodi kaliya la raaciyo ee dhinac marka looga Sawiro Astaanta Qaranka Somalida ee Labada Shabeel dhinaca kale waxaa looga Sawiraa Sawiro kale sida : Donald Trump, Qaarna Baadariga ugu sareeyo Diinta kirishtaanka "Catholic popes" Christmas scenes, Boqoro hore iyo Princess Dianna. Boqoradii Shiba, Mao Tse Tung, Nelson mandela, Julius Casir, boqoradii Elizabeth, Ciyaaro lagu xayeysiiyay, Boqoro, Daanyeero iyo kuwa kale. ( F.S:7-34aad)
Iyada oo la ogyahay in Somaliya ay tahay wadan Muslim ah, Dastuurkeeduna uu qoraayo in Shareecadu ay asaas u tahay xeerarka Dalka. Waxaana lagu xad gudbay Madaxbanaanideena, Daqankeena iyo Diinteena iyo Qodoba 8aad ee Dastuurkeena ee dhowrayo Astaanta Qaran
Qodobada Asaasigaa ee lagu xadgudbay waa Articles 2 (Islam as state religion), 8 (national symbols), 43 (natural resources), 54 iyo Sharciga Bangiga dhexe ee Somaliya ee sheegayo in Banggigaa oo kaliya uu masuul ka yahay Sameeynta Lacag wadato astaan Qaran. (exclusive central authority over currency), Somali Central Bank Act, 2012 - Currency issuance authority reserved solely to the CBS. Iyo Somalia’s coat of arms oo la ansixiyay wakhtigii Maxmiyadda ee 10 /10/1956.
Dambigaa nalaga galay xataa waxa ay jabiyeen Sharciyadooda iyo kuwo Caalamigaa sida: German Penal Code (§§ 152a, 263, 266): Commercial fraud, embezzlement, abuse of official authority, EU Unfair Commercial Practices Directive (2005/29/EC),
Haddii Somalidu ay sameyn leheyd Lacag Dahab ah oo dhinac ay ugu taal Calaamadda Midawga Yurub, dhinaca kalena Astaan Diineed Islaam ah, ama waxa ay u yaqaaniin Argagixiso sida Usama Bilaadin, hubaal waa nala dacweyn lahaa oo nala ganaaxi lahaa.
Maroodiga Dahabka ee Somalidu, waxaa ku sawiran Maroodi Somali kala nuuc ah waana kala culeys badan yahay culeeyska halkii waqiyad balaceeda "diameter" waa 39mm "thickness" waa 1.9mm waana Dahab Saafi 99.9%. Halkii Shillin Somali ee Dahabka ah waxaa lagu iibiyaa 1200-11000 Dollar weliba iyada oo laguu cafinaa Canshuurta iibka ee VAT. ( F.S: 35-43aad)
Lacagta aan Xaqa ugu leenahay ee laga faa'iididay isticmaalka magaceena ayaa hadda lagu qiyaasaa ilaa 5 Billion Dollar.

Wadamada horuumaray waxa ay nagu sheegteen oo 5 Billian oo Dollar oo deyn hore aheyd waxaana Codsanay in nalaga cafiyo. Laakin waa naga qariyeen 5taa Billion ee aan ku leenahay oo u dhiganto Misaaniyadda Dowladda ee hadda marka loo fiiriyo, 5 Sano Miisaniyadeeda oo aan uga maarmi karno in la kabo miisaaniyadda Somalida.
Hadda, haddii dariiq Sharciya aan u marno si fudud ayaa loo heli karaa, waana howl u taal Hayadaha Dowladda guud ahaan, gaar ahaanna Banggiga dhexe ee Somaliya.
Waxaan ka codsanaa Hayadahaasi in ay Raadiyaan Badidaa ummadda ka maqan.
Waxaa jiro Taariikh hore ee lacagaheena. ( F.S : 44-49aad
Qore:Yahya Sh. Caamir Amir.








Post a Comment (0)
Previous Post Next Post