Hababka shaqo lagu abuuri karo gudaha Afrika.
Full decoment report. https://www.worldbank.org/en/region/afr
Halkaan waxaan idinkula wadaagayaa warbixin lagu daabacay mareegta World Bank, oo cinwaankeedu yahay “Pathways to Job Creation in Africa.”
_____________________
Abuuridda shaqooyin baaxad weyn leh, waxay suuragal noqon doontaa marka la yareeyo kharashaadka ganacsigu ku shaqeeyo, taasoo u sahlaysa shirkadaha jira inay ballaariyaan howlaha, isla markaana soo jiitaan shirkado cusub oo koboc degdeg ah leh. Si taas loo gaaro, waxaa muhiim ah in la xalliyo caqabadaha aasaasiga ah ee hor taagan koboca ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyadoo la hirgelinaayo siyaasadahaan soo socda:
1. Horumarinta kaabayaasha muhiimka ah.
Kaabayaasha aasaasiga ah — sida isku-xirka gaadiidka, korontada, iyo tiknoolajiyada dijitaalka — waa laf-dhabarta kobaca dhaqaalaha iyo waxsoosaarka. Helitaan la’aanta koronto joogto ah iyo go’itaanka badan ee tamarta ayaa ah caqabadda ugu weyn ee shirkadaha Afrika ka hor taagan, taasoo sare u qaadda kharashaadka hawlgalka. Sidaas darteed, waa lagama maarmaan in la cusbooneysiiyo kaabayaasha korontada, la kordhiyo awoodda soo saarista tamarta, isla markaana la hagaajiyo xaaladda dhaqaale ee shirkadaha bixiya adeegyadaas.
Sidoo kale, siyaasadaha waa in ay xooga saaraan dhimista kharashaadka la xiriira adeegsiga tiknoolajiyada dijitaalka ah, kuwaas oo caddayn loo hayay inay kor u qaadaan maalgashiga shisheeye, waxsoosaarka shirkadaha, abuurka shaqo, iyo dhimista saboolnimada. Intaas waxaa dheer, hagaajinta waddooyinka, tareennada, iyo isku-duwidda qorsheynta kaabayaasha waa tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa isku xirka xarumaha waxsoosaarka, yareynaysa kharashaadka, isla markaana kordhinaysa waxsoosaarka iyo abuurista shaqooyin cusub.
2. Xoojinta awoodda aadanaha (Human Capital)
Xoojinta awoodda aadanaha ma aha oo keliya waxbarashada hoose iyo tan sare, balse waxay sidoo kale ku jirtaa horumarinta carruurta yar-yar, baridda xirfadaha fudud (soft skills), xirfadaha ganacsiyeed ee gaarka ah, iyo xirfadaha farsamo ee heer sare oo lagu barto jaamacadaha iyo xarumaha tababarka.
Nidaamka tababarka iyo waxbarashadu waa inuu la jaanqaadaa baahiyaha warshadaha kobcaya, sida dhaqaalaha dhijitaalka ah iyo warshadaha soo saarista (tusaale ahaan: farsamaynta cuntada iyo beeraha, dawooyinka, qalabka dhismaha, iyo agabka tamarta la cusboonaysiin karo). Waxaa muhiim ah in waxbarashada iyo tababarku ay la xiriiraan baahida suuqa shaqada, taasoo lagu xaqiijinayo iskaashi dhow oo ka dhexeeya xarumaha waxbarashada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.
3. Dhiirrigelinta jawi ganacsi oo fudud oo dhiirri-gelinaya koboc
Qaabka hadda ee wax-soo-saarka ayaa xaddidaya ballaarinta shirkadaha, taas oo keentay in ay yaraadaan shirkado waaweyn oo awood u leh inay horseedaan hal-abuurnimo, wax-soo-saar sare, iyo shaqo tayo leh. Si loo yareeyo kharashaadka maalgelinta — gaar ahaan kuwa saameeya shirkadaha cusub iyo kuwa si degdeg ah u kobcaya — waxaa loo baahan yahay suuqyo maaliyadeed oo qoto dheer oo bixiya maalgelin saamiyo (equity financing).
Sidoo kale, nidaam canshuureed oo deggan oo la saadaalin karo wuxuu u sahlayaa ganacsiyada inay qorsheeyaan mustaqbalka fog, maalgashadaan, ballaariyaan howlaha, iyo abuurtaan shaqooyin. Si tan loo gaaro, dowladuhu waa inay maalgelin ku sameeyaan maamulka canshuuraha, hagaajiyaan tayada hay’adaha dowliga ah, iyo adkaynta xeerarka maamul iyo sharciyeed.
Dhanka gobolka iyo caalamkaba, isku-dhafnaan ganacsi oo qoto dheer iyo fududeynta ganacsiga waa muhiim si loo ballaariyo suuqyada. Ka faa’iidaysiga buuxda ee African Continental Free Trade Area (AfCFTA) waxay siinaysaa fursad gaar ah in la abuuro hal suuq oo mideysan, lana beddelo muuqaalka dhaqaalaha ee gobolka Afrika.
4. Xoojinta awoodda dowladaha iyo hay’adaha.
Hay’ado dowladeed oo adag oo hufan ayaa ah tiirka ugu muhiimsan ee abuurista shaqooyin iyo kobaca ganacsiga. Hay’adaha noocan ahi waxay xaqiijiyaan nabad, xasillooni, iyo adeegyo tayo leh oo bulshada loo qabto. Sidoo kale, waxay yareeyaan musuqmaasuqa iyo maamul xumo.
Ka qaybgal siyaasadeed oo ballaaran (political inclusion) wuxuu abuuraa dan guud oo horseeda koboc dhaqaale oo ay bulshada oo dhan ka faa’iido. Dhanka kale, marka kooxo yar ama madax gaar ah ay gacanta ku dhigaan awoodda (elite capture), waxay keentaa in suuqa la marin habaabiyo, tartanka ganacsigana la xaddido.
Sidaa darteed, waa lama huraan in dowladuhu iyo hay’adahoodu yeeshaan awood iyo hufnaan si ay u suurtageliyaan horumar waara iyo abuurista fursado shaqo oo joogto ah.
5. Qaadashada tallaabooyin cad oo lagu faa’iideysanaayo awoodaha dabiiciga ah ee kobcin kara shaqo-abuurka
Marka la tirtiro caqabadaha hor taagan kobaca ganacsiga gaarka loo leeyahay, waxaa la sii deynayaa awood weyn oo kobcin karta waaxyaha wax-soosaarka ee leh fursado badan oo shaqo abuur. Qaybaha dhaqaalaha ee awoodda u leh inay abuuraan shaqooyin badan waxaa ka mid ah: ganacsiga beeraha (agribusiness), dalxiiska iyo martigelinta (tourism and hospitality), daryeelka caafimaadka, guryeynta iyo dhismaha, adeegyada dijitaalka ah, iyo warshadaha wax-soo-saarka — gaar ahaan kuwa la xiriira silsiladda qiimaha macdanta (mineral value chains).
Dalalku waa inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo istiraatiiji ah si ay uga faa’iideystaan fursadahooda gaar ah (comparative advantages) ee ku jira waaxyahan, taasoo gacan ka geysan doonta kobaca dhaqaalaha, kordhinta shaqooyinka, iyo yareynta saboolnimada.
___________________
