Taariikhda bangiyada.

Taariikhda Bangiyada.


Waxaa halkaan lagu lafa-guri doonaa ciwaanada hoose ee idinka muuqda, iyadoo si faahfaahsan loo hagaajiyey laguna siinaayo faham guud oo macno leh, taasoo kaa caawin doonta inaad hesho aqoon guud oo ku saabsan arrimaha bangiyada. Qoraalkaan waxa uu inta badan ka yimid muuqaal uu baahiyey Dr. Axmed Khadar Cabdi Jaamac oo lagu daabacay bartiisa YouTube. Waxaan jeclaanay muuqaalkaas inaan u beddelno qaab qoraal oo fudud oo la fahmi karo. Qofkii raba qoraalka iyo muuqaalka labadaba waxa uu ka heli karaa mareegta Kaydiye5.com.

Ciwaanada:

1. The Evolution of Banking – Horumarka Bangiyada
2. Somalia’s Banking Sector: History and Current Status 
3. Innovation in the Banking Sector –
4. Recent Innovations in the Banking Sector – Hal-abuurnimada Ugu Dambeeysay ee Bangiyada
5. Why Banking Innovation – Sababta Loo Sameeyo Hal-abuurnimada Bangiyada
6. Reasons for Banking Crisis – Sababaha Qalalaasaha Bangiyada


Horumarka Bangiyada iyo Nidaamka Barter System

Markasta oo laga hadlo taariikhda bangiyada (banking), waxaa la is xusuusiyaa in dhaqaalaha iyo ganacsigu soo mareen marxalado kala duwan. Doodda inta badan waxay ka bilaabataa nidaamka loo yaqaan Barter System ama nidaamka is-weydaarsiga badeecadaha iyo adeegyada.

Intii aan lacagta la hindisin, dadka adduunka intiisa badan waxay ahaayeen kuwo ku nool miyiga, intooda badanna waxay ahaayeen beeraley iyo xoolo dhaqato. Ganacsigoodu wuxuu ku salaysnaa in ay badeeco isku beddelaan, ama adeeg lagu beddesho badeeco.

Fahamka guud ee Barter System waa in qof uu alaab ama adeeg ku beddesho adeeg kale.

Tusaale: Beeraley leh beer, uu rabto in xeyndaab loo dhiso, wuxuu raadin jiray farsamayaqaan, Suuqa ayuu ka raadin jiray, wuxuu uga warrami jiray waxa uu rabo in loo qabto, waxaana lagu heshiin jiray in uu siiyo, tusaale ahaan, hal loor misir ama labo loor galley. Shardiga ugu weyn wuxuu ahaa in la helo qof rabitaankiisa iyo waxa uu bixinayo ay is waafaqaan.

Caqabadda ugu weyn ee nidaamkan jirtay waxay ahayd in ay waqti qaadato helitaanka qof ku beddesha adeegga ama badeecada la rabo.

Qaar ka mid ah dadka maanta waxay aaminsan yihiin in Barter System uu weli ka jiro dunida. Mararka qaar shirkadaha iyo macaamiisha ayaa isticmaala qaabkan, sida maqaayad iyo bangi ku heshiin kara adeeg lagu bixiyo halkii lacag la siin lahaa, tusaale ahaan lacag horey loogu lahaa oo lagu beddesho adeeg.

Qaar ka mid ah aqoonyahannada waxay qabaan in nidaamkan uu faa’iido leeyahay xilliyada adag, sida marka uu jiro dagaal, sicir-barar xooggan, ama qiimaha lacagtu hoos u dhacaayo. Qiimaha is-weydaarsiga waxaa lagu go’aamin jiray wadahadal toos ah oo labada dhinac dhex mara, iyadoo aan jirin halbeeg rasmi ah.

 Cilmi-baarisyo la sameeyay ayaa muujiyey in nidaamka maanta ee lacagta lagu ganacsado uu ka waxtar badan yahay Barter System, sababtoo ah bangiga aad lacag ku leedahay waxaad ka adeegsan kartaa adigoon qofka shaqaalaha ah aqoon, halka Barter System uu ku tiirsanaa xiriir toos ah oo bulshada dhexdeeda ah. Si kastaba ha ahaatee, Barter System wuxuu ahaa nidaam firfircoon marka loo eego dhanka is-dhexgalka bulshada.

Markii noloshii miyiga hormartay, waxaa cadaatay in nidaamkan aanu sii shaqeyn karin, maadaama ay adkaatay in qof adeegiisa lagu beddelo mid kale oo waqti badan qaata. Taasi waxay dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan in la helo halbeeg mideeya qiimaha wax lagu kala iibsado.

Su’aalahaas iyo baahida halbeeg mideeya qiimaha adeegyada iyo badeecadaha ayaa horseeday bilowgii nidaamka bangiyada iyo hindisidda lacagta. Lacagtu waxay noqotay xal waara oo fududeynaya ganacsiga, iyadoo meesha ka saartay baahida in qof ari wata uu si toos ah ula beddesho galley, taas oo mararka qaar aan suurtagal noqon jirin.

Markii lacagta birta ah sida qadaadiicda (coins), shilling, ama lacagta kale ee birta ah la bilaabay in la isticmaalo, waxay dhalisay su’aal cusub: Halkee lagu kaydin karaa lacagta si ammaan ah?

Ka hor intaan lacagta la samayn, dadka ganacsiga ku jiray waxay alaabtooda ama dahabkooda la wareegi jireen meel kasta oo ay tagaan. Laakiin markay lacagta soo baxday, waxaa adkaatay in qof walba uu hareer iyo habeen wato kiish dahab ah, taas oo khatar iyo dhibba lahayd.

Sidaas awgeed, dadku waxay bilaabeen in ay lacagtooda ku aaminaan qofka magaalada xukuma ama qolo lagu kalsoon yahay, si ay meel ammaan ah ugu kaydsadaan. Markii nidaamka dowladnimo xoogaystay, dowladuhu waxay bilaabeen in ay dhisaan bangiyo rasmi ah oo dadka lacagtooda lagu kaydiyo.

Tusaale ahaan, qof bangiga ku keydiyey kiish dahab ah waxaa loo qori jiray warqad caddeyneysa in dahabkaas uu leeyahay. Haddii uu suuqa wax ka rabay, wuxuu u tegi jiray bangiga, halkaasna lacagtiisa ayaa laga siin jiray iyadoo la og yahay inta uu ku leeyahay kaydka. Waxaa sidaas ku dhismi jiray nidaam maaliyadeed oo la isku halayn karo.

Hanaqaadka bangiyada waxaa sabab u ahaa baahida dadka ee ahayd in ay helaan meel ammaan ah oo lacagta lagu keydiyo iyo in la fududeeyo isku socodka lacagta, halkii qof walba uu gacantiisa ku qaadi lahaa hantidiisa.


Taariikhda Bangiyada Soomaaliya (1950–1970)

Marka laga hadlaayo nidaamka bangiyada Soomaaliya, taariikhda waxaa badanaa laga soo bilaabaa 1950-meeyadii, xilligii dowladdii daakhilliga ahayd (Trust Territory of Somalia) ee maamulka Soomaaliya lagu hoos geeyay gumeystihii Talyaaniga.

Kahor 1960

Xaaladda Soomaaliya ka hor xornimadii waxay ahayd sidaan:

Koonfurta waxaa gacanta ku haayay gumeystihii Talyaaniga.

Waqooyiga waxaa joogay gumeystihii Ingiriiska.

Lacagaha la isticmaalayay waxay ahaayeen kuwo kala duwan:

1. Indian Rupee – waxaa soo saaray Ingiriiska, waxaana loogu talagalay in laga adeegsado dhulalka uu Ingiriisku maamulayay.

2. East African Currency – isna waxaa soo saaray Ingiriiska, lana adeegsaday qaybo ka mid ah Geeska Afrika.

3. Italian Lira – lacagtii Talyaaniga oo laga isticmaali jiray Koonfurta.

Sanadkii 1950, waxaa la sameeyay Guddiga Lacagta Soomaaliyeed (Somalia Currency Board). Ujeeddadiisu waxay ahayd in la helo lacag midaysan. Talyaanigu wuxuu soo jeediyay laba ikhtiyaar:

In la sii isticmaalo lacagta Talyaaniga.

In la sameeyo lacag cusub oo isku jirta Talyaani iyo Soomaali.

Soomaaliduna labadaba way ku gacan seertay, waxayna doorbideen in la sameeyo lacag gaar u ah Soomaaliya.

Xaaladda 1960–1969

Markii Soomaaliya xorowday 1960, waxaa ka shaqeynaayi lix bangi oo ay ku jireen:

1. Somali National Bank – maanta loo yaqaan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Kahor 1960, magaca bangigan wuxuu ahaa Guddiga Lacagta Soomaaliyeed.

2. Bangiga Horumarinta (Development Bank) – la aasaasay 1968, wuxuuna maalgelin jiray mashaariic heer hoose iyo heer sare.

Afarta kale ee xilligaas jiray Soomaalida ma lahayn, waxayna ahaayeen ajaanib:

3- Bank of Roma (Talyaani)

4- Bank of Napoli (Talyaani)

5- Porta Saeed Bank (Masar)

6- National and Grindlays Bank (Ingiriis), kaas oo kaliya ka shaqeyn jiray Waqooyiga.

Afarta bangi ee ajaanibta waxay Soomaaliya ku lahaayeen 8 laan oo ku yaallay magaalooyinka waaweyn. Inta badan waxay maalgashan jireen beeraha, gaar ahaan Talyaaniga oo xilligaas jaaliyad ballaaran ku lahayd dalka.

Qarameyntii 1970

Bishii May 1970 ayaa shaqadii bangiyadan ajnabiga ahayd ku dhammaatay Soomaaliya, kadib markii la qarameeyay. Dabayaaqadii 1970-meeyadii qaaradda Afrika waxaa ka bilowday kacdoon lagu soo celinayay hantidii ajaaniibta ee waddamada ka jirey gumeysiga hore. Kacdoonkan wuxuu ka dhacay Soomaaliya, Uganda, Zimbabwe iyo dalal kale, ujeeddadiisuna waxay ahayd in ilaha wax-soo-saarka loo celiyo muwaadiniinta.

Soomaaliya oo qeyb ka ahayd dhaqdhaqaaqan ayaa sidaas ku qarameysay afartii bangi ee ajaanibta ay lahaayeen, taasoo calaamad u noqotay bilowgii nidaamka bangiyada si buuxda ugu hoos jira dowladda Soomaaliyeed.


Changing in the banking sector.
Marxaladihii Isbeddelka Adeegyada Bangiyada.

Taariikhda bangiyada iyo adeegyada ay bixiyaan waxay soo martay marxalado isbeddel badan, iyadoo horumarka tiknoolajiyadda iyo baahida macaamiisha oo sabab u noqdeen qaab cusub oo shaqo iyo adeeg bixin ah.

1950-meeyadii – Bilowga isbeddelka

Xilligan ayaa lagu bilaabay habraacyo cusub oo lagu maareeyo howlaha bangiyada, iyadoo laga gudbay habka buug gacmeedka (manual system) oo shaqaalaha gacanta ku qori jireen dhammaan macluumaadka.

Waxaa soo baxay mashiinnada diiwaangelinta elektarooniga ah (electronic recorded machines), taas oo fududeysay kaydinta iyo helidda xogta.

Macaamiisha xisaab bangi furta waxay heli jireen buug xisaabeed (passbook) lagu qorayay dhammaan macaamiladooda iyo dhaq-dhaqaaqa xisaabta.

1967–1969 – Soo saarista ATM-ka ugu horreeyay

Dhamaadkii 1960-meeyadii, gaar ahaan intii u dhaxaysay 1967–1969, waxaa la soo saaray ATM-kii ugu horreeyay.

ATM-ku wuxuu ka jawaabay baahida dadka ee helitaanka lacag iyo adeegyo xitaa marka bangigu xiran yahay.

Isla muddadan, waxaa bilowday self-service banking, taas oo qofka u sahlaysay inuu adeegyo qaato isaga oo aan qasnadaha bangiga toos u tagin.

1970-meeyadii – Telefoon-bangiyada

Waxaa la hirgeliyay adeegga telefoon-bangiga, kaas oo qofka u oggolaanayay inuu waco bangiga si uu u helo macluumaad xisaabeed ama adeegyo gaar ah.

1990-meeyadii – Internet-bangiyada

Markii internet-ka uu si weyn u faafay, waxaa soo baxay internet banking.

Adeeggan wuxuu sahlay in macaamiishu ay xisaabtooda ka maamulaan internet-ka, halkii ay ka sugi lahaayeen warqado rasmi ah ama ay bangiga ugu imaan lahaayeen shaqsi ahaan.

Sidoo kale, waxaa la jaanqaaday barnaamijyada iyo apps-ka soo baxayey.

2000-meeyadii – Mobile-bangiyada iyo lacag-bixinta elektarooniga ah

Tani waxay ahayd xilligii ugu badan ee isbeddellada weyn lagu sameeyay bangiyada.

Waxaa bilaabmay adeegyada mobile banking iyo platforms lacag-bixinta (payment platforms), kuwaas oo u suurta geliyay dadka in ay lacag diraan, helaan, ama maareeyaan xisaabahooda iyagoo adeegsanaya taleefoonadooda gacanta.


Recent innovation in the banking sector.
Afar arrimood oo hadda Ka Socda Bangiyada Casriga ah

Bangiyada maanta waxay ku shaqeeyaan qaab adeeg bixin cusub oo ku saleysan tiknoolajiyad casri ah, gaar ahaan dhinacyada financial technology (fintech). Waxaa ka dhex socda afar arrimood oo waaweyn:

1. Digital Wallet

  • Digital Wallet iyo mobile banking apps ayaa noqday adeegyada ugu badan ee la isticmaalo.
  • Waxay u sahlayaan macaamiisha in ay lacag diraan, helaan, kaydiyaan ama ka shaqeeyaan macaamiladooda maalinlaha ah iyadoo ay ku maamulayaan taleefoonadooda gacanta.

2. Maamulka Dhaqaale (Personal Financial Tools)

Macaamiisha isticmaala digital wallet ama mobile app waxaa loo raaciyaa adeegyo kale oo fududeeya maamulka dhaqaalaha gaarka ah, sida:

  1. Budgeting – in qofka uu sameysto miisaaniyad maaliyadeed.
  2. Expense Tracking – in si faahfaahsan loo arko lacagaha ka baxay iyo meelaha ay galeen, kadibna loo soo bandhigo warbixin kooban oo la fahmi karo.
  3. Investment Management – maamulidda iyo dabagalka maalgelinta uu qofku sameeyo.

3. Paymetric Verification

Bangiyada casriga ah waxay adeegsadaan habab aqoonsi oo ammaan sare leh, sida:

  1. Facial Recognition – aqoonsiga wajiga.
  2. Fingerprint Recognition – aqoonsiga faraha.

Tani waxay kordhisaa kalsoonida iyo amniga adeegyada bangiyada.

4. Virtual Assistant iyo AI

  • Bangiyada badankood waxay bilaabeen in ay la jaanqaadaan noocyada kala duwan ee Artificial Intelligence (AI).
  • Wicitaannada iyo farriimaha macaamiisha waxay u gudbiyaan AI virtual assistants si ay ugu jawaabaan si degdeg ah.

AI-ga ayaa bixiya tilmaamo iyo tallaabooyin lagu xallinayo su’aalaha macaamiisha, taas oo dhalisay dood ah:

“Ma loo baahan yahay shaqaale badan, mise AI ayaa badali kara shaqooyinka qaar?”

Talo: Mustaqbalka bangiyada wuxuu ku xiran yahay financial technology. Qof kasta oo raba inuu ku soo biiro banking sector waa inuu xoogga saaraa barashada iyo xirfadaha tiknoolajiyadda maaliyadeed, maadaama ay noqoneyso tiirka ugu weyn ee adeegyada bangiyada casriga ah.


Why banking innovations.
Sababaha Loogu Baahan Yahay Hal-abuurrada Bangiyada

1. Ka Jawaabista Baahida Macaamiisha, si Tartanka suuqa Loo Sii Joogo

  • Macaamiishu waxay filayaan adeegyo shakhsiyeed iyo fudud.
  • Dadka waxay rabaan inay dhaqaalahooda ku maareeyaan meel kasta iyo waqti kasta, iyagoo adeegsanaya taleefannada gacanta iyo adeegyada dijitaalka ah.

2. Hagaajinta Waxtarka Shaqada (Operational Efficiency)

  • Shaqooyinka gacanta lagu qabto waxaa loo beddelaa hab otomaatig ah, si loo yareeyo kharashaadka.
  • Waxaa la dhimayaa khaladaadka, shaqadana waa la dedejiyaa.
  • Shaqaalaha waxaa fursad loo siinayaa inay diiradda saaraan shaqooyinka qiimaha badan leh.

3. Yaraynta Khatarta (Reduce Risk)

  • Waxaa la yareeyaa khataraha la xiriira musuqmaasuqa, weerarrada internet-ka (cyberattacks) iyo hanjabaadaha kale ee amniga.
  • Biometrics sida aqoonsiga wejiga (facial recognition) iyo faraha (fingerprint) ayaa loo adeegsadaa kordhinta amniga adeegyada bangiyada.

4. Abuurista Ilaha Dhaqaale Cusub (Create New Revenue Streams)

  • Bangiyada waxay lacag ka samayn karaan adeegyada cusub iyagoo ku dallacaya adeeg-bixin gaar ah.
  • Hal-abuurradaani waxay furaan suuqyo cusub iyo fursado maalgelin ah.

Reasons for banking crisis.

1. Hoos u dhac dhaqaale (Economic downturns or shocks)

Marka dhaqaalaha guud uu hoos u dhaco, sida intii lagu jiray Covid-19 ama marka uu dhaco sicir-barar xooggan, macaamiishu way adkaataa iney dib u bixiyaan deyntooda. Tani waxay hoos u dhigtaa dakhliga bangiga, waxayna kordhisaa khasaaraha.

2. Qalalaasaha warshadaha gaarka ah (Industry or sector-based crisis)

Haddii qayb gaar ah oo dhaqaalaha ah ay burburto—tusaale ahaan qaybta dhismaha, shidaalka, ama dalxiiska—bangiyada ku tiirsan qaybtaas waxay la kulmaan hoos u dhac weyn oo macaash ah iyo kordhinta deymo aan la bixin.

3. Maqnaanshaha kala-duwanaanta hantida la maalgeliyo (Lack of diversification)

Marka bangigu inta badan deyn ama maalgelin ku bixiyo hal nooc oo ganacsi ama hal goob dhaqaale, haddii goobtaas uu dhibaato ka dhacdo, waxaa saameyn weyn ku yeelanaya bangiga oo dhan.

4. Dhaqamada ama siyaasadaha amaahda khatarta badan (Risky lending practices)

Bangiyada qaarkood waxay bixiyaan amaah badan oo aan si fiican loo qiimeyn awoodda dib u bixinta ee macaamiisha. Amaah noocaas ah waxay kordhisaa khatarta khasaaraha marka deynta la waayo.

5. Qaadashada khatar xad dhaaf ah iyo amaah xun (Taking too much risk and bad loans)

Marka bangi uu si joogto ah u qaato khataro dhaqaale oo aan la xisaabtamin, sida maalgelinta mashaariic aan la hubin ama amaahda ganacsiyada halista badan, waxay horseedi kartaa deymo badan oo baaba’a.

6. Farsamooyin maalgashi oo liita (Ineffective investment practices)

Bangiga oo aan lahayn nidaam falanqeyn suuq iyo warshado sax ah waxay keenaysaa in maalgelin lagu sameeyo meelo aan faa’iido lahayn, taas oo hoos u dhigta awoodda dhaqaale ee bangiga.

7. Hanti keyd oo aan ku filnayn (Insufficient capital reserves)

Bangiyada waxaa waajib ku ah iney haystaan hanti kayd ah oo ay kaga jawaabaan khasaaro lama filaan ah ama deymo lumay. Haddii keydkaas uu yaryahay, qalalaasaha dhaqaale wuxuu si dhakhso ah u curyaamin karaa bangiga.

8. Fashilka nidaamka kormeerka iyo sharci dejinta (Regulatory failure)

Haddii hay’adaha dawladda ee kormeera bangiyada aysan si fiican u fulin sharciyada iyo xeerarka, bangiyada qaarkood waxay qaadi karaan khataro aan la oggolaan lahayn, taas oo ugu dambeyn horseedi karta burbur. 

What Are the Stages of a Financial Crisis?
Heerarka Qalalaasaha Maaliyadeed

Qalalaasaha maaliyadeed waxaa loo kala saari karaa saddex heer oo is xiran. Marka hore, qalalaasuhu wuu bilaabmaa (Crisis Launch), nidaamyada maaliyadeed ayaa ku guuldareysta, badanaa sababaha ugu waaweynna waa fashilka nidaamka iyo xeerarka, maamulka xun ee hay’adaha maaliyadeed, iyo arrimo kale oo la xiriira maareynta dhaqaalaha. Marka xigta, hay’adaha maaliyadeed, shirkadaha, iyo macaamiishu ma awoodaan inay buuxiyaan waajibaadkooda dhaqaale, taasoo keenta burburka nidaamka maaliyadeed (Financial System Breakdown). Ugu dambeyntii, qiimaha hantida ayaa hoos u dhacaya, heerka guud ee deymahana wuu kordhaa, taasoo sii xoojineysa culayska dhaqaale ee ka dhashay hoos u dhaca hantida iyo kordhinta deymaha (Asset Devaluation & Rising Debt). 

what is a financial crisis.

Qalalaasaha maaliyadeed ([Financial Crisis – waa xaalad dhaqaale oo nidaamka maaliyadeed uu burburo]) wuxuu dhacaa marka nidaamka maaliyadeed uu burburo, badanaa ka dhasha saameynta domino ee ka timaadda [heightened risk – khatar sare oo maalgelin ah], [overborrowing – amaah aad u badan], [default – awood la’aan lagu bixiyo deymaha], iyo [tighter lending restrictions – xadidaad adag oo lagu bixiyo amaahda]. Waxay noqon kartaa mid xanuun badan, halis ah, oo dareen ahaan laga yaabo in aan waddo ka baxsan lahayn—sida dhaqaaluhu uu marayo isbedel weyn.

Qiimaha hantida ([Asset prices – qiimaha lacagta lagu qiimeeyo hantida sida guryaha, saamiyada, iwm]) ayaa hoos u dhacaya, ganacsiyada iyo macaamiishu ma bixin karaan deymahooda, hay’adaha maaliyadeedna waxay la kulmaan [liquidity shortages – lacag yarida ama awood la’aanta in lacagta degdega ah la helo].

Qalalaasaha badanaa waxaa la xiriira [panic – cabsi dadweyne ama walwal ku saabsan lacagta iyo maalgashiga] ama [bank run – xaalad dadka bangiga lacagtooda ka baxayaan,  sababtoo ah cabsi ay ka qabaan in qiimaheedu hoos u dhaco].


Waa Maxay Bangigu?

Bangigu waa hay’ad ama shirkad maaliyadeed oo lacagta dadka iyo ganacsiyada ka qaata, ka ilaalisa, isla markaana amaah siisa, si loo fuliyo hawlo dhaqaale oo faa’iido leh. Bangiyadu waxay muhiim u yihiin dhaqaalaha, maadaama ay bixiyaan adeegyo kala duwan oo ka caawiya ganacsiyada iyo dadka, sida:

  • Furashada akoonnada jeegaga iyo kaydinta lacagta.
  • Bixinta amaahda guryaha iyo gaadiidka.
  • Fududeynta socodka lacagaha iyo maaliyadda


Muhiimadda Bangiyada Nolosheena: 

  1.  Waxay bixiyaan fursado amaah oo dadka iyo shirkaduhuba ka faa’iidaystaan.
  2.  Waxay fududeeyaan wareegga lacagaha ee dhaqaalaha, taas oo kor u qaada horumar.
  3.  Waxay hubiyaan in kheyraadka maaliyadeed si hufan loogu isticmaalo horumarinta dhaqaalaha.
  4.  Bangiyadu waxay qayb ka yihiin hawlaha maalinlaha ah sida bixinta mushaharka, kaash baxsiga, iyo kaydinta lacagta.

Gabagabadii, bangiyadu ma aha kaliya meel lacagta lagu kaydiyo; waa laf-dhabarta dhaqaalaha iyo adeegyada maaliyadeed ee bulshada.

qeybta hoose waxaa ku yaalo afarta qeyb ee muuqaal oo baahiyey Dr. Axmed Khadar Cabdi Jaamac.





Allaha Mahad leh oo ii suurtagaliyey inaan diyaariyo  maqaalkaan quruxda aad akhrisatay. Qoraalkaan waxaa diyaariyey agaasimaha Mareegta Mudane Axmed Carab,

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post