FANAANAD - DEEQA AXMED GAYDH.
Heestii. Libin waxaad ku gaartaa libin. Deeqa Axmed Gaydh.
Libin waxaad ku gaartaa libin. Heestaan miraheed waxaa
dhisay mukhtaar seylac. Laxanka nuur dalac. Music, ismaaciil danan.
- v Laba waaya badan talo
- · iyo tacab wadaagtoo
- · wacad iyo balama adag
- · wakhti badan ilaashadey
- v Hadii ay is waayaan
- · war xumaala nacaboo
- · wal walkooda raba iyo
- · xaasid wiiqayaa jira
- · xaasid wiiqayaa jira
- v Wakhtiga is badalayana libin
- · libin waxa ka gaadhaa libin. (2x)
- v Wadar tii is raacdee
- · wanaagooda uun jecel
- · wanaagooda uun jecel.(2x)
- v Aduun waaya badanaa
- · subax waliba waa ceyn
- · wareegyada taariikhduna
- · wacaal bey kuu sidaane. (2x)
- v Ishu waa macalinoo
- · ogaal weeye garasha loo
- · walaal nima yagaanoo
- · waaya hiilka kuu sida waaya hiilka kuu sida
Wixii dhib aan soo maray. Heestaan erayadeed waxaa leh qof
lagu sheegay caaqil. Laxanka alfanaan iskalaaji. Music by siid cali wiinkay.
heestii wixii dhib aan soo maray. Deeqa Axmed Gaydh.
- v Waqti yahow idhaafee
- · Casharada Kadheeh doow
- · Dhabtu sidey ahayd baad
- · Aad in dhan Siiseee
- · Maadigaa wax ii dhimay. (2x)
- v Ruux ii Dhawaayee
- · Hadba Aan Dhabtaydii
- · Dhabar Kayga Saaroo
- · Culays Kaaga Dhaxaan
- · Usoo Dhabar Adaygee
- · Dhigay Maanta Caashaga
- v Wixii aan dhib Soomaray
- · lyo dhaawacagii
- · Hada Wuu Dhamadoo
- · Ladhay nabaradaadii
- · Mid Kudhaama Wiil Yahow
- · I dhool dhooliyaan Helay. (2x)
- v Dhadhab Caashaqaygoow
- · Marna dhaxanta yuu Arag
- · Kaan Dharaara oran Jiray
- · Soow Kan dheeli Keeno
- · Maanta is Dhalan Rogey
- v Marhaduuba Dhicisiyo
- · Xaalkiisu Dheda Yahay
- · Waxba Yaanan Dhabankiyo
- · Dhafoorada U Qabanine
- · Dhacdo Waa Waaaaaa Dhacdo Waa Midii Hore. (2x
Maxaa
loo yahay walaal. Erayada waxaa sameeyey qalinle. Laxankii zakariye kobciye.
Music by siid cali winkey
Heestii maxaa loo yahay walaal. Deeqa Axmed Gaydh.
- v Hadaa Lays Wehshaneen
- · Si Weyn Layskaga War Hayn
- · Wanaag Lagu Wada dhaqmayn
- · Maxaa Loo yahay Walaal. (2)
- v Hadaan Waaxyaha Nafti Iyo
- · Wadnaha Lays dhaafsaneen
- · Xubina La Wadaagi Karin
- · Maxa Lagu Wada Socdaa. (2)
- v Hadaan Sida Waajibkii
- · Balanta Loo Oofineeyn
- · Waqtina La I Laalineeyn
- · Maxa Wacad loo Dhigtaa. (2)
- v Hadaan Wacdi La Maqlayn
- · Waxsheeg La dhageysanen
- · Talada Wacana La Dhugan
- · Maxay Wanadu Tartaa
- v Hadii Lays Wada Wanjalo
- Wajina dadka Loola Socon
- Marnaba Iska daba Wareeg
- Miyaa Lagu Waarayaa? . (2x)
Block baad ka tahay qalbiga. Heestaan Waxwalba waa iskula leh fanaanada Deeqa Axmed
Heestii block baad ka tahay qalbiga. Deeqa Axmed Gaydh.
- v Ruux Ku bukaa Dhaftay
- · Bohwl Yowi Bad Cishay
- · Balan Bad Ku Dheel Dhel Shay...
- · Ubax ba Intad Bertay
- · Xidida Bixisa O Goysay
- v Bun Bunin Tada Eeday
- · Aman Teyda Benowday
- · Boqornima dii aad Diday Ka Ilbaxay Ma' Dhici Donto
- · In'an Maalin Ku Baahdo...
- v Barta aad Kaga Talay Manka
- · Block Ba Ka tahay Maanta
- · Inan Ku Baror Tana Baabuuc Timaheeda Dher
- · Inan Ku Baror to Baacoc Timaheeda Dheer..(2x)
- v Jacelkena Buux Dhafay
- · Bilow Iyo Dhamad Kiisa
- · Inta Bilo Kuso KoobTay
- · Adiga Ka Dhigay Baaba' lyo
- · Barasho Buuntawday...(2x)
- v Inaad Tahay Bogsiin teyda
- · Ano Ku Bandhigay Maalmo
- · Ruxa aad Barked Qaday
- · Sow Adi Kama Boodin
- · Oo Bixisay Kuma Qaadin.(2x).
Heesta - Wadnaheyga badh qaado. Erayada iyo laxanka waa zakariye kobciye. Music by mustaf karaama. Produced by caska flims.
Ha
waaro jaceylku. Laxanka iyo erayada heesta waxaa sameeyey nuur dalacay.
Music waxaa tumay cidi cali winki. Farsamadii nuur flim.
Yaayadaay Malabooy. heestaan waa aroos, waxaa loo qaaday gabadha ay dhashay fanaanadda oo xilligaas aroos aheyd.
Farxad iyo jaceyl.
Qiiro official
Xulasho official
Saw
adiga maaha.
Heestii
hargeysa
Heestii
wanaag
Sidaad ii ogeyd
Riyaaq
Ila muudso caashaqa
Allow isku keen daa.
Fanaanadda Deeqa Axmed Gaydh waa fannaanad reer Jabuuti ah, ahna fannaanad Soomaaliyeed oo aad ugu faanta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, taas oo marar badan ku sheegtay wareysiyo dhif iyo naadir ah oo laga qaaday. Waxay ka mid tahay fannaaniinta suugaantooda ay si weyn ula dhaceen shacabka ay u heeseyso.
Deeqa Axmed Gaydh waxay inta badan ku heestaa heeso jacayl iyo caashaq ku saabsan. Waxay ka tirsan tahay jiilka hore ee fanka, balse weli si firfircoon ugu jira masraxa, iyadoo ay dhallinyaradu sidoo kale u arkaan mid soo jiidasho leh. In kasta oo ay leedahay tiro heeso kooban, hadana kuwaas waxay noqdeen kuwo caan ah oo si weyn ugu dhex faafay bulshada, isla markaana ay fanaaniin kale dib u qaadeen.
Nasiib darro, ma hayno xogta saxda ah ee ku saabsan taariikhda dhalashadeeda, balse waa fannaanad weli nool. Inta ay dunida ku sugan tahay, waxaa suuragal ah in la helo taariikh nololeed faahfaahsan oo ay bulshada la wadaagto. Waxaan u rajeynayaa cimri barako leh, nolol wacan iyo farxad joogto ah.
Qoraalkan waxaa diyaariyey Mudane Axmed Carab, Agaasimaha Mareegta Kaydiye5.com.