Lacag qaran oo xooggan dal in uu yeeshto maxey uga dhiggan tahay.

 Lacag qaran oo xooggan dal in uu yeesho maxey uga dhiggan tahay.


Halkaan waxaa lagu soo hormarinayaa faallo kooban oo ciwaanka  sii fududeyneysa fahamka guud."

Dal walba geeddi-socodkiisa dhaqaale waxaa laf-dhabar u ah arrimo dhowr ah, halka wajiga uu dunida u leexdo ay ku xiran tahay aragtida lacagta danabeysan ee loo yaqaan digital currency.

Dalalka soo koraya, oo ay Soomaaliya ka mid tahay, ayaa caqabado waaweyn kala kulmay sameynta lacag qaran oo ay bulshada si wadajir ah u aqbasho. Taasina waa sababta ay u yaraatay isticmaalka shillinka Soomaaliga, iyadoo isticmaalka lacagaha qalaad uu aad u faafay. Lacagahaas shisheeye, inkasta oo ay buuxiyaan baahiyo qaar, haddana ma daboolaan dhammaan adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin bulshooyinka dhaqaale ahaan liita.

Quburada dhaqaalaha ayaa ku doodaya in lacagaha elektaroonigga ay qayb ka qaataan fududeynta sicir-bararka, gaar ahaan marka adeegyada digitalka aan loo heli karin dadka ku nool meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn.

Kobaca suuq-geynta ee dal walba waxa uu ku dhisan yahay qaab iyo qalab bulshadaasi ay ku mideysan tahay, si ay ula falgalaan bulshooyinka kale oo ay ka iibsadaan ama uga gataan badeecooyinka. Isku-xirka caalamiga ah, wuxuu sababay hoos u dhac weyn oo ku yimid lacagihii ay waddamada qaar naqshadeeyeen, taas oo ku qasabtay in ay la jaanqaadaan qiimaha lacageed ee suuqa caalamka. Arrintani waxay dhaawac xooggan u geysatay kobaca dhaqaalaha dalalkaasi.

Taariikhda dhaqaalaha ee bani’aadamka waxay soo martay shan marxaladood oo waaweyn:

1. Is-dhaafsiga badeecadaha – Qof walba wuxuu shey ku qiimeyn jiray inta uu ka baahan yahay shey kale.

2. Shillimaadka birta – Lacag bir ah oo la isku beddeli jiray badeecooyinka.

3. Lacagta waraaqaha ah – Awood weyn ayey ku yeelatay dhaqaalaha caalamka.

4. Lacagaha aan muuqan – Bangiyada lagu keydiyo, kaararka lagu bixiyo, iyo adeegyada lacag-dirista hawada ah.

5. Lacagaha danabeysan (cryptocurrency) – Lacago dijital ah oo ka dhex faaftay suuqa caalamka.

 Mar walba waxaa jiray bulshooyin ka horreeyey kuwa kale dhanka horumarka maaliyadeed, oo shanta marxaladood ka gudbay, halka qaar kalena ay ku haraayeen heer hoose.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka aan kaalin muuqata ku lahayn suuqa caalamka, heerka dhaqaalahooduna uu hooseeyo, taas oo sababtay in aysan jirin isku-gudub ganacsi oo u diyaarsan la jaanqaadista ganacsiyada caalamiga ah.


Su`aal 1. Lacag in uu waddan yeeshto maxey tahay muhiimadda ay u leedahay.

Lacagta waddanku uu leeyahay waa mid ka mid ah astaamaha lagu qeexo jiritaanka waddan madax-bannaan. Marka waddan laga hadlaayo, shuruudaha lagu aqoonsado waxaa ka mid ah in uu yeesho lacag u gaar ah. Lacagtaas waxay muhiim u tahay dhowr arrimood, sida:

1. Dhaqaalaha waddanka – Lacagta waxaa lagu maamulaa dhaqaalaha, iyadoo lagu dejiyo siyaasadaha lacagta (monetary policy) iyo jihaynta koboca dhaqaale.

2. Isku-duwidda iyo jaangoynta suuqa – Waxay fududeysaa ganacsiga gudaha, qiime dejinta, iyo xakamaynta sicir-bararka.

3. Astaanta madaxbannaanida – In waddanku leeyahay lacag u gaar ah, waxay muujinaysaa madaxbannaani dhaqaale iyo mid siyaasadeedba.

4. Xiriirka hay’adaha dhaqaale – Lacagta waddanka waxay la xiriirtaa awoodda iyo baaxadda suuqa uu waddanku leeyahay, iyo sida ay hay’adihiisa dhaqaale (economic institutions) uga shaqeeyaan gudaha iyo caalamkaba.

Fahfaahin kooban

Haysashada lacag u gaar ah waddan waxay ka dhigan tahay in waddankaasi uu maamulo lacagtiisa iyo heerka sarrifka ee lacagtaas, taasoo siinaysa madax-bannaani dhaqaale oo weyn. Tani waxay waddanka u oggolaaneysaa inuu si gaar ah ula qabsado siyaasadda lacagta iyadoo lagu saleynayo baahiyaha dhaqaale ee gaarka ah, taasoo ka caawin karta inuu kobciyo dhaqaalaha ama xakameeyo sicir-bararka.

Si kastaba ha ahaatee, waxay sidoo kale la macno tahay mas’uuliyad culus oo ku saabsan ilaalinta qiimaha lacagta iyo xasilloonideeda, taasoo muhiim u ah kalsoonida dadka iyo maalgashadayaasha. Haddii si wanaagsan loo maareeyo, lacag u gaar ah waddan waxay noqoneysaa aalad awood leh oo dhaqaalaha dalka u horseedi karta horumar iyo xasillooni.

Su`aal 2. Waddan in uu lacag yeesho shuruudaha laga rabo maxey tahay.

Waddan ma aha inuu buuxiyo shuruudo sharciyeed oo gaar ah, si uu u dhawaaqo lacag u gaar ah (declare its own currency). Go’aankan waa mid siyaasadeed iyo dhaqaale labadaba ah, waxaana badanaa ku lug leh in la aasaaso (establish) banki dhexe (central bank) oo ka masuul ah maaraynta siyaasadda lacagta (monetary policy) iyo soo saarista lacagta (currency issuance).

 Qodobka ugu muhiimsan waa awoodda waddanka uu ku maamulo kuna ilaaliyo qiimaha lacagtiisa (control and maintain the value of its currency) iyadoo loo marayo bankiga dhexe. Tani waxay xaqiijineysaa in lacagtu ay hesho kalsooni gudaha iyo dibaddaba, taasoo muhiim u ah xasilloonida dhaqaale iyo horumarka dalka.

Dalka lacagtiisa qiime intee la`eg ayuu u sameyn karaa

Waddan inuu yeesho lacag rasmi ah, waa mid ka mid ah shuruudaha aasaasiga ah ee lagu qeexo jiritaanka qaranimada. Lacagta qiimaheedu wuxuu ku xirnaanayaa xoogga iyo xasilloonida dhaqaalaha waddanka. Haddii waddanku dhaqaalahiisu daciif yahay, lacagtiisu si fudud ayay u qiimo beelaysaa. Haddii uu leeyahay dhaqaale xooggan, qiimaha lacagtiisuna wuxuu noqdaa mid sarreeya oo xasilloon.

Qiimaha lacagta mararka qaarkood waxaa go’aamiya heerka uu waddanku ka taagan yahay dhaqaalaha adduunka—haddii uu yahay dal wax badan dhoofiya ama wax badan soo degsada. Sidoo kale, waxaa saameeya istiraatiijiyadda dhaqaale ee waddanka iyo doorka uu kaga jiro ganacsiga caalamiga ah.

Lacagta waddanka waxaa loo adeegsadaa arrimo kala duwan, sida:

·       La dagaallanka saboolnimada.

·       Maalgelinta horumarinta dhaqaalaha.

Si lacagtu qiime ugu yeelato, waa in dowladdu xakamaysaa:

·       Lacagta ka baxaysa dalka.

·       Soo gelinta iyo faafinta lacagaha been-abuurka ah.

·       Lacagta si sharci-darro ah loo soo gelinayo ama loo safrinayo (“lacag jawaan” lagu qaadayo).

 Haddii lacagta been-abuurka suuqa soo gasho, waxay dhaawacaysaa lacagta saxda ah, qiimaheedana hoos ayey u dhigaysaa. Tusaale ahaan, markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay, lacagtii waddanka si degdeg ah ayay u qiimo beeshay. Sababta ugu weyn waxay ahayd in lacag bug ah lagu soo daabacay meelo kala duwan, hay’adihii ilaalin jirayna meesha ka baxeen. Natiijadii ka dhalatay waxay ahayd in wax walba oo qaranka qiimo u lahaa ay hoos u dhaceen, lacagtiina aan mar dambe la xakamayn karin.

Lacagta waa hanti qaran, ilaalinteedana waxaa masuul ka ah hay’adaha dowliga ah. Haddii hay’adahaasi shaqada joojiyaan ama la waayo, lacagtu si fudud ayay u qiimo beelaysaa, dadkana waxay ku dhacaayo khasaare weyn.

Su`aal 3. Shilinka Soomaaliga: Marxaladihii uu soo maray iyo dabar-goyntiisa hadda

Shilinka Soomaaliga wuxuu soo maray marxalado kala duwan, balse hadda wuxuu ku sii socdaa dabar-goyn. Ka dib burburkii dowladdii dhexe, dowladihii kumeelgaarka ahaa iyo maamul-goboleedyadii kala duwanaa waxay soo saareen lacago kala nooc ah — qaar baanafeysto ah, qaar baalweyn ah, iyo kuwo tayo liita oo lagu magacaabi karo “lacag bug ah”. Soo saaridda lacagaha tiro badan waxay keentay in qiimaha shilinka uu si weyn hoos ugu dhaco.

Marka dowlad shaqeynaysa ay lacag soo saarto, waxaa caadi ah in nidaam adag loo maro: shilimaadka suuqa ku yaraada ayaa dib loo soo daabacaa, tii hore ee shaqeyneysana waa la ilaalinayaa, si aan loo wiiqin qiimaheeda. Lacagta duugoowda waa la cusbooneysiiyaa, qaar ka mid ahna suuqa ayaa laga saaraa si loo hagaajiyo sicirka sarrifka. Dowladdu waxay sameysaa cilmibaaris lagu ogaado inta lacag ah ee maalintii suuqa wareegi karta, si loo hubiyo in suuqu aqbali karo.

Laakiin xaaladda Soomaaliya waxay ahayd mid ka duwan. Maadaama shilinka Soomaaliga uusan ahayn lacag caalami ah oo bangiyada dunida laga isticmaalo, suuqa waxaa lagu daadiyay lacago badan oo aan nidaam lahayn. Balaayiin doolar ayaa si aan xakameysneyn ugu wareegayay gacmaha shacabka, iyadoo aan jirin hay’ado sida Bankiga Dhexe oo ilaalin kara nidaamka lacagta.

 Natiijadii, suuqa waxaa soo galay lacago kala duwan: shilinka Soomaaliga, lacagaha maamul-goboleedyadu soo saareen, iyo kuwo aan sharci ahayn oo si qarsoodi ah loo daabacay. Lacagta aan la cusbooneysiin oo aan gacanta lagu haynin waxay sababtay in shilinka Soomaaliga uu si weyn u qiimo beelo, ugu dambayna suuqa gebi ahaanba ka sii baxo

Shaqeynta bankiga dhexe ee soomaaliya maxey uga dhiggan tahay dhaqaalaha dalka.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu leeyahay dhowr shaqo oo muhiim ah oo saameyn ku leh dhaqaalaha dalka. Hase yeeshee, shaqadiisa hadda aad bay u kooban tahay, waxaana muuqata gaabis ku saabsan howlaha looga baahan yahay.

Inkasta oo uu soo saaro sharciyo la xiriira bankiyada, haddana inta badan ma xaqiijiyo fulinta iyo dhaqan-gelinta xeerarka uu dejiyo. Waxa uu sidoo kale mas’uul ka yahay bixinta mushaaraadka dowladda, taas oo ka mid ah shaqooyinka uu si joogto ah u qabto.

Shaqooyinka ugu muhiimsan ee laga filayo Bankiga Dhexe waxaa ka mid ah inuu noqdo hay’adda ugu dambeysa ee dadka iyo hay’aduhu u jeestaan marka lacag loo baahdo, inuu xakameeyo oo dejiyo heerka sarrifka lacagta, inuu go’aamiyo heerka dulsaarka, iyo inuu maamulo nidaamka amaahda dalka. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya maanta shaqooyinkaas si buuxda looma hayo.

Cilladaha hay’adaha kale ee dowladda ka jira ayaa sidoo kale haysta Bankiga Dhexe. Waxaa lagama maarmaan ah in uu ka madax-banaanaado saameynta siyaasadda guud ee dalka, si uu kalsooni uga helo gudaha iyo dibadda. Mid ka mid ah sababaha weli loogu aaminin si buuxda ayaa ah in uu ku lug leeyahay siyaasad, taas oo sii yaraysa kalsoonida caalamka ee ku aaddan awooddiisa iyo madaxbannaanidiisa.

Faahfaahin kooban:

Shaqeynta (ama hawlgalka) Bankiga Dhexe waxay ka dhigan tahay sida uu u maamulo siyaasadda lacagta, u dejiyo sharciyada maaliyadeed, u ilaaliyo qiimaha lacagta, iyo u taageero xasilloonida dhaqaalaha. Haddii uu si wanaagsan u shaqeeyo, wuxuu kobciyaa kalsoonida maalgashadayaasha, wuxuu yareeyaa sicir-bararka, wuxuuna hubiyaa in nidaamka maaliyadeed uu si habsami leh u socdo. Haddii shaqadiisu liidato, dhaqaalaha dalka wuu dhaawacmaa, qiimaha lacagta wuu wiiqmaa, suuqyaduna waxay noqdaan kuwo aan xasilloonayn.


Mid ka mid farriimaha uu ka dhawaajiyey inta uu socdey wareysiga Muuqaalka Dr Abdisalam Salad warsame waxa uu yiri ;

Lacagta Shillin Soomaaliga suuqa way ka sii baxaysaa, sababtoo ah dadka kuma kalsoona. Waxay u muuqataa in dad badan, gaar ahaan qaar ka mid ah bulshada, ay diidan yihiin. Marar dhowr ah ayaa arrintani dhacday; mushaaraad laguma bixiyo, waxyaabaha hoose ayaa kaliya lagu iibsadaa. Shay qiimo leh waa la difaacaa maadaama uusan jirin wax difaacaya hantida qaranka, taas oo baaba’aysa. Meelo qaar ayaa lacagta la diiday oo xoog lagu dhaqan geliyey, dadka ayaa ka baqaya in hantidoodii gacantood ku lunto iyagoo haysta lacago badan oo Shillin Soomaali ah.


lifaaqa hoose waxaa ku yaalla muuqaalka laga soo xawilay fahamka guud ee qoraalkaan ku muuqda, waxaa wareysigaan qaaday ASTAN TV.


Qoraalkaan waxaa diyaariyey agaasimaha mareegtaan Mudane Axmed Carab
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post