Sababaha keenay doolareynta dhaqaalaha soomaaliya.
Inta aanan u guda gelin ciwaanka, marka laga eego cilmiga
dhaqaalaha, doolareynta dhaqaalaha waxaa loola
jeedaa marka waddan uu adeegsado lacag waddan kale, gaar ahaan marka bulshada
ay lacagtaas u isticmaalaan kala iibsiga badeecadaha iyo adeegyada.
Waddamada dhaqaalahooda doolareeyey, oo isticmaalaya lacag
waddan kale, waxaa tusaale u ah dalkeena Soomaaliya. Qaar ka mid ah
waddamadaas waxay dhaqaalahooda si buuxda u doolareeyeen, halka qaar kalena ay
qeyb ahaan u doolareeyeen.
Doolareynta
buuxda (Full
Dollarization): Waa marka waddanku gebi ahaanba isticmaalo lacag waddan kale,
isagoo aan lahayn lacag gaar u ah.
Doolareynta
qeyb ahaan (Partial
Dollarization): Waa marka waddanku isku mar isticmaalo lacagtiisa iyo lacag
waddan kale, sida doolarka, yuuroga, ama lacagaha kale ee waddamada deriska ah.
Waxaa jira sababo badan oo keeni kara in waddan lacagtiisa
doolareeyo. Haddii aan tusaale u soo qaadanno Soomaaliya, inkastoo ay la
wadaagto dalal kale qaar ka mid ah sababahaas, haddana waxaa gaar u ah saddex
arrimood oo waaweyn oo horseeday in dhaqaalaha dalka loo doolareeyo, taas
oo keentay in dadka Soomaaliyeed si ballaaran ugu isticmaalaan doolarka
ganacsiga iyo kala iibsiga alaabaha.
Sababta koowaad waa burburkii Dowladda Dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii. Burburkaas wuxuu sababay in la joojiyo daabacaadda shillinga Soomaaliga, iyadoo aysan jirin dowlad awood u leh inay xakameyso oo maamusho lacagta qaranka.
Taa beddelkeeda, suuqa waxaa soo galay shillinka
been-abuurka ah (bugta ah), taas oo kaliftay in dadka badankood ay ka cararaan
adeegsiga shillinga Soomaaliga si ay u kala iibsadaan alaab ama adeegyo.
Natiijadii ka dhalatay, shillinka saxda ah ee suuqa yaallay aad buu u yaraaday,
maadaama muddo dheer aan la daabicin, qayb badanna ay duugoobeen, jeexjeexmeen
ama gabi ahaanba halaabeen.
Arrintan ayaa ahayd sababta koowaad ee keentay in burburkii
dowladda kadib dhaqaalaha Soomaaliya si weyn ugu wareego isticmaalka doolarka
Mareykanka.
Sababta Labaad
Mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee horseeday doolareynta
dhaqaalaha Soomaaliya waa qulqulka lacagaha xawaaladaha iyo taageerada
dhaqaale ee dalka ka timaadda hay’adaha caalamiga ah iyo dowladaha xubnaha ka
ah Qaramada Midoobey.
Arrintan ayaa sidoo kale sababtay in shillinga Soomaaliga uu
yaraado isticmaal ahaan, halka doolarku uu noqday lacagta ugu badan ee suuqa ka
dhex wareegta, taas oo sii xoojisay doolareynta dhaqaalaha dalka.
Sababta Saddexaad
Arrin kale oo muhiim ah oo sii xoojisay doolareynta
dhaqaalaha Soomaaliya waa adeegsiga nidaamka lacagaha mobilka ah. Ka hor
inta aysan shirkaduhu soo bandhigin adeegyada lacag dirista ee mobilka, dadka
horey ayay u isticmaali jireen doolarka, balse markii adeegyada sida EVC,
E-Dahab iyo kuwa la midka ah ay soo bateen oo bulshada si weyn ula qabsatay,
waxaa si toos ah u kordhay tiirsanaanta doolarka.
Adeegyadaan mobilka ah badankood waxaa saldhig u ah doolarka
Mareykanka, taasoo ka dhigtay in macaamilka ganacsi ee maalinlaha ah — laga
bilaabo iibsiga alaabaha yaryar ilaa ganacsiga waaweyn — uu ku dhisnaado
doolarka, halkii uu shillingu ka ahaan lahaa lacagta ugu badan ee la
isticmaalo.
Qoraalkan hoose ee ku saabsan
doolareynta dhaqaalaha waxaa iska leh IMF. Waxaana idinku talagalnay
faahfaahin dheer oo aan idiin siin doono marka aad akhrisid ciwaanka maqaalka.
Qaybta kore ee qoraalka si buuxda waxaa iska leh aniga iyo macallinkayga aan
inta badan la shaqeeyo, Dr. Axmed Cabdi Jaamac. Qoraaladayada isku dhafan ayaa
ka soo baxay maqaal qurux badan oo macno weyn u leh qofka akhrinaya, si uu si
wanaagsan u fahmo doolareynta dhaqaalaha, sababta ay muhiimka u tahay, iyo
sidoo kale faa’iidooyinkeeda iyo khasaaraheeda.
Qoraalkan waxaa diyaariyey Agaasimaha mareegta KEYD,
Mudane Axmed Carab.
Ereyga doolareyn (Dollarization) waxaa loola jeedaa
marka waddan uu bilaabo isticmaalka lacag qalaad, halkii uu ka isticmaali lahaa
lacagtiisa gudaha. Tani waxay noqon kartaa lacag kasta oo shisheeye, sida
Doolarka Mareykanka, Yuuroga, ama Rand-ka Koonfur Afrika. Dhibaatada iyo
caqabadaha ay keenayso waxay isku mid u yihiin dal kasta oo ku tiirsan lacag
qalaad, tusaale ahaan dalalka qaar ee Afrikada Koonfureed oo isticmaala
Rand-ka, ama waddamada qaar ee Bariga Yurub haddii ay go’aansadaan in ay
isticmaalaan Yuuroga.
Dalka intooda badan ee soo koraya, iyo kuwa ka gudbaya
nidaamyo dhaqaal oo xiran kuna socda nidaamka suuqa xorta ah, waxaa hore uga
jirta nooc xaddidan oo doolareyn aan rasmi ahayn (unofficial dollarization).
Taas macnaheedu waa in dadku ay haystaan lacag qalaad ama ku shubtaan lacag
qalaad koontooyinka bangiyada gudaha. Dalalka uu sicir-bararku aadka ugu badan
yahay, waxaa caadi noqota in doolarka ama lacag adag oo kale loo isticmaalo
macaamilka maalinlaha ah, iyadoo weli lagu wada isticmaalayo lacagta gudaha.
Faa’iidooyinka iyo Qasaaraha Full Dollarization
Tan iyo markii uu dhammaaday nidaamkii Bretton Woods ee
fixed exchange rates ku dhawaad 30 sano ka hor, caqabadihii hore ee waddamada
ka haystay helista nidaam is-weydaarsi lacag oo shaqeyn kara ayaa sii adkaaday,
doorashooyinkuna way kala bateen.
Go’aanka ah in waddan uu qaato nidaamka is-weydaarsiga
lacagta (exchange rate system) ku habboon ayaa noqday mid adag, maadaama
ganacsiga caalamiga ah iyo suuqyada raasamaalku (capital markets) ay aad isu
dhexgaleen. Dhibaatooyin cusub ayaa soo baxay, taasna waxay dhalisay xalal
cusub oo lagu raadinayo nidaamka lacagta ugu habboon ee taageeri kara yoolalka
horumarineed ee waddan kasta. Mid ka mid ah xalalka ugu dambeeyay waa full
dollarization, taas oo waddan si rasmi ah uga tagayo lacagtiisa gudaha kuna
beddelanaya lacag qalaad oo xasilloon, badanaa U.S. dollar, si ay u noqoto
lacag sharci ah (legal tender).
Marka laga eego dhinaca waddan kasta oo lacag adag (hard
currency country) leh, full dollarization waxay u muuqan kartaa mid aad u weyn
ama radical, balse run ahaantii, isticmaalka doolarka Mareykanka ama lacag kale
oo waaweyn waa arrin aad ugu badan dalalka soo koraya, gaar ahaan heshiisyada
maaliyadeed (financial contracts). Full dollarization waxay ka dhigan tahay in waddanku ka gudbo heerka isticmaalka aan
rasmi ahayn (informal or limited dollarization) kuna dhaqaaqo isticmaalka
rasmiga ah ee lacagta qalaad dhammaan macaamilka.
Faa’iidada
ugu weyn ee full dollarization waa in meesha laga saaro khatarta hoos u dhac degdeg
ah (sudden, sharp devaluation) ee exchange rate-ka dalka. Tani waxay u oggolaan
kartaa waddanka inuu yareeyo khatarta dheeraadka ah (risk premium) ee lagu daro
marka uu ka amaahanayo caalamka. Dhaqaalaha doolarka ku shaqeeya (dollarized
economies) waxay heli karaan kalsooni ka sarreysa maalgashadayaasha caalamiga
ah, hoos u dhac ku yimaada interest rate spreads ee deynta caalamiga ah,
kharashaad miisaaniyadeed oo yaraada, iyo maalgashi iyo koboc dhaqaale oo
kordha
Gunaanad: Faa’iidooyinka iyo Qasaaraha Dollarization
Faa’iidooyinka (Advantages)
1. Dollarization waxay ka hortagtaa dhibaatooyinka lacagta
is-weydaarsigeeda iyo dhibaatooyinka dheelitirka lacagaha gudaha iyo dibadda
(balance of payments). Maadaama aan jirin lacag gudaha ah, ma suurtoobi karto
in qiimaha lacagta uu si lama filaan ah hoos ugu dhaco ama ay dhacaan qulqulo
raasamaal oo degdeg ah oo ka dhalata cabsi hoos u dhaca lacagta.
2. Waxaa dhici karta isku-dhexgal dhaqaale oo dhow (closer
integration) oo lala yeesho dhaqaalaha caalamka iyo kan Mareykanka, taas oo ka
dhalata hoos u dhaca kharashaadka macaamilka (transaction costs) iyo
xasilloonida qiimaha badeecadaha marka lagu cabbiro doolar (stability of prices
in dollar terms).
3. Iyadoo la diidayo isticmaalka lacag daabacista si loo
maalgeliyo (inflationary finance), waddanku wuxuu xoojin karaa hay’adaha
maaliyadeed (financial institutions) isla markaana abuuri karaa jawi maalgashi
oo wanaagsan, gudaha iyo dibadda labadaba.
Qasaaraha (Disadvantages)
1. Dalalka badankood way ka caga jiidayaan inay ka tagaan
lacagtooda, maadaama ay astaan u tahay qaranimadooda (symbols of nationhood),
gaar ahaan haddii loo beddelayo lacag waddan kale. Xagga siyaasadda, iska
caabinta (political resistance) waa hubaal, waxayna u badan tahay inay xooggan
tahay.
2. Xagga dhaqaalaha, xaqa waddanku u leeyahay inuu soo saaro
lacagtiisa (right to issue currency) wuxuu siinayaa dowladda dakhli lagu
magacaabo seigniorage revenues, oo ka muuqda faa’iidada central bank-ka isla
markaana loo wareejiyo dowladda. Dakhligan waxaa luminaya waddanka
dollarization sameeya, halka uu faa’iidadaas heli doono Mareykanka haddii uusan
oggolaan in la wadaago.
3. Waddan dollarization sameeya wuxuu ka tanaasulayaa
awoodda uu u leeyahay inuu yeesho siyaasadda lacageed (monetary policy) iyo
siyaasadda is-weydaarsiga lacagta (exchange rate policy) ee madax-bannaan, oo
ay ku jirto isticmaalka deynta central bank-ka si loo siiyo taageero liquidity
ah nidaamka bangiyada marka ay degdeg tahay (in emergencies).
Lifaaqa hoose waxaa yaallo inta kooban aan ka soo qaadanay qeyb ka mid maqaalka dheer ay diyaarisay IMF, haddii aad rabto lifaaqa hoose raac
https://www.imf.org/external/pubs/ft/issues/issues24/
lifaaqa hoose waxaa ku yaalo muuqaalka uu jeediye Dr Axmed Cabdi Jaamac.