Qiima dhaca dhulka Muqdisho.
Dhulka ma laha muddo faa’iideed oo la qeexi karo (muddada uu
hanti faa’iido keeni karo lama cayimin), taas oo ka dhigaysa mid aan suurtagal
ahayn in lagu xisaabtamo qiimo-dhac . Qiimaha dhulku wuu kordhi karaa ama hoos ayuu
dhici karaa iyadoo ku xiran arrimo kala duwan oo saameynaya suuqa, deegaanka,
iyo xaaladaha kale ee dhaqaale
Tusaale ahaan, haddii suuqa guryaha uu kobco (real estate
boom) qiimaha dhulka wuu sarreyn karaa. Laakiin haddii ay dhacdo musiibo
dabiici ah (environmental catastrophe) qiimihiisu wuu hoos u dhici karaa.
Dhanka kale, hantida ku taalla dhulka, sida dhismayaasha, waxay u qalmaan in
lagu xisaabtamo qiimo-dhac.
In kastoo dhulka laftiisa aan lagu sameyn karin qiimo-dhac,
haddana qaar ka mid ah hagaajinta dhulka (improvements) waxay leeyihiin muddo
faa’iideed oo la qeexi karo, sidaas darteedna waxay ku jiraan hantiyaasha lagu
daro qiimo-dhaca.
Tusaalooyinka hagaajinta noocan ah waxaa ka mid ah:
Samaynta waddo laami ah (paving a driveway)
Dhisidda xayndaab (fencing)
Rakibidda nalal bannaanka ah (outdoor lighting)
Sidoo kale, qiimaha dhulka waa la dhimi karaa haddii ay
jirto caddeyn dhaawac ah (evidence of degradation) oo ka dhalatay sabab
dabiici ah ama mid bini’aadam sameeyey.
Tusaale ahaan:
Dhulgariir ku dhufta oo baabi’iya goob
Hawlaha macdanta oo gebi ahaanba ka saara khayraadka dhulka. (waa
marka dhulka laga saaro dhammaan waxa qiime ka dhigayaay, uu noqdo dhul madhan
oo aan khayraad lahayn.).
Dhulka lama qiimo dhimo (depreciation) sababtoo ah, waxaa loo arkaa inuu leeyahay nolol adeeg oo aan xad lahayn.
Muddo ku dhow sanad ayaa hoos u dhacay qiimaha dhulka lagu kala iibsado magaalada Muqdisho. Dad badan ayaa isweydiinaya sababta keenaysa hoos u dhaca qiimahan, iyo waxa sababay in qiimaha dhulka ee Muqdisho uu si weyn hoos ugu dhaco.
Kahor inta aan u guda gelin sababaha hoos u dhaca iyo
saameynta dhaqaale ee ka dhalatay, waxaa muhiim ah in dib loogu noqdo xaaladdii
suuqa magaalada Muqdisho ee ka horreysay. Runtii, tan iyo markii qaxii Itoobiya
laga soo bilaabay 2007, guud ahaan dadka Soomaaliyeed waxay aad u maalgashadeen
dhulka, taasoo keentay in qiimaha dhulka iyo guryaha magaalada Muqdisho uu
noqdo mid aad u qaali ah marka loo eego xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya,
dakhliga dadka, iyo waddamada deriska ah ee heerka dhaqaalahoodu la mid yahay
Soomaaliya.
Maalgashiga dhulka waxaa sabab u ahaa dhowr arrimood oo
muhiim ah, kuwaas oo sadex kamid ah ay ahaayeen kuwa ugu waaweyn:
1. Kobaca Magaalada: Markii laga soo laabtay qaxii
Itoobiya, magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday kobac xooggan. Dad badan oo
qurbo joog ahaa ayaa dib ugu soo laabtay, dadka magaalada ku noolna waxay u
baahdeen guryo cusub, sidoo kale dadkii gobollada ka soo guuray ayaa doonayay
inay helaan hoy. Taas ayaa keentay in tirada dadka magaalada ay si weyn u
kordhaan, isla markaana ay baahi weyn u jirto in la dhiso dhul cusub oo lagu
dego.
2. Dhaqaalaha Bankiyada: Bankiyada oo aad u xoogaystay tan
iyo 2005 ayaa bilaabay bixinta adeegyo murabaxo ah, taasoo dhiirrigelisay dad
badan inay dhul iibsadaan ama maalgelin ku sameeyaan dhulka. Bankiyadu waxay
fududeeyeen helitaanka maalgelinta dhulka, taas oo ka mid ahayd sababaha dadka
ay u xiiseeyeen maalgashiga guryaha iyo dhulka.
3. Meel Lagu Keydsado Lacagta: Dad badan, gaar
ahaan shakhsiyaadka iyo shirkadaha, waxay dhulka u arkeen fursad lagu kaydsado
lacagtooda, maadaama Soomaaliya aysan lahayn fursado badan oo maalgashi oo
kale. Sidaas darteed, iibsashada dhulku waxay noqotay hab ammaan ah oo lacag
lagu hayo.
Laakiin wixii ka dambeeyey sanadkii 2020 waxaa si cad loo
dareemay hoos u dhac weyn oo ku yimid qiimaha dhulka ee magaalada Muqdisho. Waa
kuwan saddexda sababood ee ugu muhiimsan ee hoos u dhaca qiimaha dhulka
magaalada Muqdisho:
Midda kowaad, hoos u dhaca qiimaha dhulka waxaa sabab u ah
isbeddelka ku yimid nooca maalgashiga. Dadkii hore ee wax maalgashan jiray
oo dhul iibsan jiray ayaa u guuray inay dhisaan guryo nooca appartment-ka
ah. Tan iyo 2019-kii, guryaha appartment-ka ah ayaa aad u
badanayay, gaar ahaan kuwa ku yaalla bartamaha magaalada iyo meelahoodii
muhiimka ahaa. Dadkaasi waxay doorbideen inay maalgelin ku sameeyaan guryo
badan oo isku meel ah halkii ay ka iibsan lahaayeen dhul bannaan oo weyn.
Midda labaad, qiimaha dhulka oo aad u sarreeyey ayaa sidoo kale sababay hoos u
dhac. Qiimaha dhulka ayaa gaarey heer aad u qaali ah, iyadoo
qofkii dhul iibsaday uu muddo bil gudaheed si fudud uga iibin karay qiimo ka
badan intii uu ku helay—tusaale ahaan, dhul laga iibsaday 10,000 oo dollar ayaa
mar kale lagu iibin jiray 15,000 dollar. Qiimihii sare ee dhulka ayaa ka
dhigtay mid aan dad badan awoodin inay iibsadaan, taasina waxay keentay hoos u
dhac suuqa dhulka.
Midda saddexaad, dowladda ayaa bilaabtay inay bixiso dhul cusub oo muhiim ah,
iyadoo dadka laga saaraya meelo qaali ah oo horey loo deganaa. Dadkii hantida
lahaa ama doonayay inay iibsadaan dhul bannaan oo ku yaalla magaalada ayaa
hadda isku dayaya inay helaan guryo cusub oo dowladda bixisay, kuwaas oo ku
yaalla meelo muhiim ah isla markaana hadda banaan. Tani waxay saamayn ku
yeelatay qiimaha dhulka hore ee magaalada oo hoos u dhacay.
Guud ahaan, isbeddeladan ayaa sabab u noqday in qiimaha
dhulka magaalada Muqdisho uu hoos u dhaco muddooyinkii u dambeeyey.
Hoos u dhaca qiimaha dhulka wuxuu yeeshay saameyn dhaqaale
oo weyn. Halkaan waxaa ku soo bandhigi doonaa wixii ka dhashay saameyntaan.
Dhulku wuxuu ahaa hantida dadka aadka u maalgashan jireen. Mid ka mid ah
saameynta ugu weyn ayaa ah lacag la’aan ka jirta magaalada, taas oo qayb ka
ah hoos u dhaca iyo gaabiska ka yimid suuqa dhulka. Sababta ayaa ah in lacag
badan oo dhulka laga kala iibsado ay ka dhex socotay suuqa, lacago badan oo
bankiyada dhex maraana ay ka yimaadeen iibka dhulka, taasoo dowladdu ka hesho
dakhli muhiim ah.
Run ahaantii, tani waa qayb ka mid ah culeysyada
dhaqdhaqaaqa suuqa, maadaama sector-kan ganacsi haddii uu gaabis ku yimaado uu
saameyn ku yeelan karo qeybaha kale ee ganacsiga. Hoos u dhaca qiimaha dhulka
ayaa si weyn loo dareemayaa; waxaa jira dad hore qiimaha dhulkoodu ahaa 30,000
dollar oo hadda ku adag inay helaan 20,000 ama xitaa 18,000 dollar.
Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in si dhaqso ah dib loo soo
nooleeyo suuqa dhulka, si aysan u saameynin qeybaha kale ee ganacsiga sida
bankiyada, nootaayooyinka, iyo adeegyada kale ee ka shaqeeya dhulka, isla
markaana dadka ay ugu faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee jira.
Qoraalkaan waxaa diyaariyey agaasimaha keyd Mudane Axmed Carab.
Lifaaqa hoose waxaa ku yaallo muuqaalka laga soo diyaariyey maqaalkaan