Managing hybrid teams.
Dunida shaqadu waxay gashay weji cusub, waxaana muhiim ah in hoggaamiyeyaasha iyo maamulayaashu ay la qabsadaan habka Hybrid Working Model (Habka shaqada isku-dhafka ah).
Qoraalkaan wuxuu soo koobayaa tiirarka ugu muhiimsan ee guusha laga gaaro nidaamkaan:
1. Hoggaaminta Casriga ah (Leadership & Hybrid Working)
Hoggaaminta kooxahaan ma lahan qaabkii hore ee ku dhisnaa joogitaanka jireed. Hoggaamiyuhu waa inuu noqdaa Supportive Facilitator (Fududeeye taageero bixiya) halkii uu ahaan lahaa Autocratic Boss (Madax amar-ku-taagle ah).
• Waa in la dejiyaa Clear Purpose and Objectives (Ujeeddooyin iyo hadafyo cad).
• Waa in laga fogaado Micromanagement (Dabagalka xun), laguna beddelo Trust (Aaminaad) si shaqaaluhu u dareemaan madax-bannaani.
Shanta Astaamood ee Hybrid-ka (Five Characteristics)
Si nidaamkaan uu u noqdo mid shaqaynaya, waa in la helaa:
• Flexibility is Paramount (Dabacsanaanta ayaa ugu muhiimsan): Waa in la leeyahay maskax furan oo oggolaanaysa in shaqada lagu qabto meel kasta.
• Security & Access (Amniga iyo Helitaanka): Sugidda amniga xogta shirkadda iyadoo shaqaalaha loo fududeynaayo helitaanka agabka ay u baahan yihiin.
• Inclusivity (Isku-jirka): In la dhiso deegaan loo dhan yahay oo tixgelinaya Geographical Locations (Goobaha kala duwan) iyo Cultural Changes (Isbeddellada dhaqanka).
Caqabadaha iyo Maareynta (Managing Challenges)
Maamulidda koox isku-dhaf ah waxay la timaaddaa caqabado u baahan Robust Communication Protocols (Nidaamyo isgaarsiineed oo adag).
• Waa in la xalliyo dhibaatada ka dhalata, Synchronous and Asynchronous Communication (Xiriirka tooska ah iyo kan dadban).
• Maamulayaashu waa inay ka digtoonaadaan, Unconscious Biases (Eexda qarsoon) iyo dareenka Burnout (Daalka maskaxeed) ee ku dhici kara shaqaalaha fog.
• Focus on Well-being (Fayo-qabka) iyo Growth and Development (Koritaanka iyo Horumarka) si loo hubiyo in Productivity (Wax-soosaarka) la sii joogteeyo.
The benefits of hybrid working for business
Hybrid working, waa nidaam shaqo oo shaqaaluhu mararka qaar ka shaqeeyaan xafiiska, mararka kalena meel kale sida guriga (remote work). Nidaamkan wuxuu faa’iido weyn u leeyahay shaqaalaha, shirkadaha, iyo bulshada guud ahaan.
Dhanka shaqaalaha, hybrid working, wuxuu siinayaa xorriyad ay ku doortaan meesha ay ka shaqeynayaan (flexibility). Sidoo kale wuxuu yareeyaa waqtiga iyo kharashka ku baxa safarka shaqada (commuting), taas oo ka caawisa inay helaan nolol iyo shaqo isu dheellitiran (work-life balance). Waxaa intaas dheer in qofku uu shirkad u shaqeyn karo meel kasta oo uu joogo.
Dhanka shirkadaha, nidaamkan wuxuu ka caawiyaa inay dhimaan kharashaadka xafiisyada iyo dhulka (real estate costs). Waxa kale oo uu u furayaa shirkadaha fursad ay ku helaan shaqaale xirfad leh oo ka kala yimaada meelo badan (larger talent pool). Marka shaqaaluhu helaan dabacsanaan iyo jawi wanaagsan oo shaqo, shirkaduhuna way sii hayn karaan shaqaalahooda (employee retention).
Bulshada iyo deegaanka, sidoo kale way ka faa’iideystaan hybrid working. Safarka shaqada oo yaraada wuxuu yareeyaa wasakheynta deegaanka (environmental benefits), waxaana kordhi kara fursadaha shaqo maadaama shirkaduhu shaqaaleysiin karaan dad badan kharash yar.
Guud ahaan, hybrid working wuxuu abuuraa jawi shaqo oo casri ah, dabacsan, oo faa’iido u leh shaqaalaha, shirkadaha, iyo bulshada.
__________ Dhammaad._______ Mahadsanid. Thanks for your reading
