Shuruudaha danta-guud
Shuruudaha danta-guud
Dowladda Soomaaliya waxay ku doodaysaa in barakicinta
shacabka dhulkooda ay ka mid tahay arrimaha danta guud ee aan doodda la gelin
karin.
Mabda’a danta guud waa arrin jirta oo ay diintu aqoonsan
tahay, balse adeegsigeedu ma aha mid aan xad lahayn. Si mabda’a danta guud loo
hirgeliyo, waxa uu leeyahay shuruudo gaar ah oo qasab ah in la buuxiyo.
Dadka ku adkaada magaca danta guud waxay u arkaan in wixii
dadka loo qabanayo danta guud darteed laga tanaasuli karo xuquuqda gaarka ah ee
qofka. Hase yeeshee, shuruudo adag ayaa ku xiran arrintan, waxaana khasab ah in
shuruudahaas si waafaqsan shareecada Islaamka loo buuxiyo. Marka shuruudahaas
la fuliyo oo keliya ayaa goobta loogu yeeri karaa goob xalaal ah oo maamulka
halkaas ka jira uu adeegsan karo magaca danta guud.
Shuruudaha Danta Guud ee la Fulinkaro waxaa ka mid ah
1. Maslaxad Guud oo Dhab ah oo Dadka oo Dhan anfacaysa
Maslaxadda la sheegaayo waa in ay noqotaa mid dhab ah oo aan shaki ku jirin, isla markaana si cad ugu adeegta danaha ummadda oo dhan. Waa in bulshada oo dhan laga qanciyo in dantaas guud ay run tahay oo ay ka faa’iidayaan dhammaan, iyada oo aan cid gaar ah loo eexan. Haddii danta guud ee sidaas ah si dhab ah loo fulinaayo, tani waxay noqoneysaa mabda’a koowaad ee fulinta danta guud.
2. Maslaxad Waafaqsan Naska Qur’aanka iyo
Sunnada
Qodobka labaad ee lagu oggolaan karo in dhul loo isticmaalo danta guud waa in arrintu aysan ka hor imaanin qodobbada cad-cad ee ku xusan Qur’aanka iyo sunnada Nabiga ﷺ. Maslaxaddu waa in ay si buuxda ugu waafaqsanaataa diinta islaamka. Lama oggola in maslaxad lagu magacaabo danta guud lagu fuliyo wax ka hor imanaya diinta, sida in dhul lagu aasaaso xarumo ka shaqeeya waxa diinta ka soo horjeeda. Sida ku cad nusuusta shareecada, ilaalinta danta gaarka ah ee bulshada ka midka ah waa waajib haddii ay danta guud baal marsan tahay.
3. In Dhibaatadu aynaan ka Weeynaanin Faa’iidada
la Raadinaayo
Qodobka saddexaad wuxuu dhigayaa in danta guud aan la fulin haddii dhibaatada ka dhalanaysa ay ka weyn tahay faa’iidada la filaayo. Marka la qorsheynaayo mashruuc loogu talagalay danta guud, waa in si dhab ah loo miisaamaa faa’iidada iyo dhibaatada ka dhalan karta.
Tusaale ahaan, haddii dowladda ay qorsheyneyso in ay dhul ballaaran ka dhisto dhisme weyn oo dowladeed, balse taasi ay ku qasbayso in kumannaan qoys oo carruur iyo waayeel leh la barakiciyo, iyadoo aan la siin meel kale oo ay ku noolaan karaan, dhibaatada ka dhalan doonta waxay noqon kartaa mid ka weyn faa’iidada la filaayo. Waxaa la burburin doonaa noloshii dadkaas, waxbarashadii carruurta, iyo awooddii dhaqaale ee qoysaskaas ay haysteen tobannaan sano.
Sidaa darteed, shareecada islaamka waxay
dhigaysaa in “ka hortagga dhibaatadu ka horreyso helidda dheefta.” Haddii
faa’iidada mashruuca ay aad uga yar tahay dhibaatada ku imaanaysa bulshada, waa
in mashruuca laga tanaasulaa, xitaa haddii lagu magacaabo danta guud.
lifaaqa hoose waxaa ku yaalla muuqaal si ballaaran uga hadlaya danta guud in la iska qaato diinta islaamka maxey ka qabtaa, inkastoo muuqaalka dhidhacyo badan ka taabanaayo danta guud, annagu waxaa si gaar ah uga soo qaadnaya qeybta qoraalka kore ka muuqata aan ugu magac darnay `shuuradaha danta guud". daawasho wacan. You tube Name Annaga production
Qoraalkaan waxaa diyaariyey agaasimaha Keyd.
Axmed Carab.