Productivity Rules
Qoraalkaan wuxuu ka hadlayaa waxa loo yaqaan
"productivity rules" ama "unfair advantage".
Waxaa loola jeedaa in ay jiraan xeerar,
sharciyo ama qawaaniin haddii qofku raaco ay sare u qaadi karaan
wax-soo-saarkiisa, awooddiisa go'aan qaadasho, iyo haddii uu doonayo inuu dhiso
nidaam ganacsi, waxaa laga yaabaa inay si weyn u caawiyaan. Xeerarkaas
ayaa mararka qaar lagu magacaabaa "unfair advantage" ama "life
algorithms" iyo "principles".
Xeerarkaas (ama principles-kaas) waxaa ugu horreeya Xeerka Pareto (Pareto Principle), oo uu hindisay Vilfredo Pareto, oo ahaa dhaqaale-yahan u dhash ay dalka Talyaani.
1- Xeerka 80/20 (Xeerka Pareto):
Sanadkii 1896, cilmi-baare Talyaani ah oo la oran jiray Vilfredo
Pareto ayaa sameeyay daraasad ku saabsan sida dhulku ugu qeybsan yahay
bulshada dalka Talyaaniga. Waxa uu ogaaday in 80% dhulka Talyaanigu uu leeyahay
20% bulshada. Natiijadan waxaa laga soo saaray xeerka loo yaqaan Xeerka 80/20,
ama Pareto Principle.
Xeerkan maanta waxa uu si ballaaran ugu faa’iideeyaa
dhinacyo kala duwan sida, ganacsiga, caafimaadka, horumarinta software-ka,
maaraynta shaqaalaha iyo wax-soo-saarka.
Tusaale ahaan:
Suuq-geynta (Marketing): Waxaa la aaminsan yahay in
20% waxyaabaha aad xayeysiiso ay sababi karaan 80% saamaynta laga helo ama
aragtida dadku ka hayaan sumaddaada (brand-ka).
Shaqada iyo Shaqaalaha: Waxaa lagu sheegay in 20%
shaqaalaha shirkad ay soo saaraan 80% wax-soo-saarka ama faa’iidada shirkadda.
Khilaafaadka: Dadku inta badan waxa ay isku
khilaafaan 20% arrimaha, halka ay 80% ka mideysan yihiin.
Caafimaadka: Hay’adaha caafimaadka, sida WHO, waxay sheegaan in 20% dhaqanka qofka (sida sigaarka, cunto xun, jimicsi la’aanta) uu saameyn karo ilaa 80% caafimaadkiisa iyo cudurrada uu la kulmi karo.
Xeerkan waxaa si weyn uga faa’iideysta shirkadaha waaweyn. Tusaale ahaan, shirkadda Unilever waxay leedahay in ka badan 200 nooc oo alaabooyin ah (brands), balse 20% ka mid ah noocyadaas—taas oo u dhiganta saddexda ugu muhiimsan—ayaa ka masuul ah 80% dakhliga ay shirkaddu hesho. Sidoo kale shirkado kale oo waaweyn sida Coca-Cola ayaa adeegta xeerkan si ay u horumariyaan wax-soo-saarkooda iyo suuq-geyntooda.
2- Xeerka Labaad ee Wax-soo-saarka: Parkinson’s Law
Xeerka labaad ee kor u qaada wax-soo-saarka qofka ama
fikirkiisa waxaa la yiraahdaa Parkinson’s Law. Xeerkan waxaa curiyey
Northcote Parkinson sanadkii 1955, wuxuuna ku qoray jariidadda The
Economist maqaal uu ku faahfaahinayay aragtidiisa.
Parkinson wuxuu yiri:
“Shaqo kastaa waxay la egtahay waqtiga loo qabto.”
Tusaale ahaan, haddii shaqo lagu qaban karo hal maalin,
balse laguu qabto toddobaad, shaqadaasi waxay qaadan doontaa toddobaad. Haddii
labo toddobaad lagu siiyo, labo toddobaad ayay qaadan doontaa. Haddii 3 saac
laguu qabto, isla 3-daas saac ayay shaqadu ku dhammaan doontaa.
Xeerkan waxaa si weyn uga faa’iideystay Elon Musk, oo
ku dabaqa shirkadihiisa Tesla iyo SpaceX. Elon Musk wuxuu adeegsadaa hab la
yiraahdo Timeboxing, oo ah in si cad loo xaddido waqtiga shaqo lagu
qabanayo, halkii la sugi lahaa in shaqada ay si dabiici ah ku dhamaato.
Tusaale ahaan, markii SpaceX ay dooneysay in ay dhisto diyaarad cirka u duusha,
Musk wuxuu injineerada u qabtay lix bilood oo keliya, halka NASA (hay’adda
cirka ee Mareykanka) ay qiyaasaysay in mashruucaasi qaadan karo illaa shan
sano.
Sidoo kale, xeerkan Parkinson’s Law waxaa adeegsata
shirkadda baabuurta ee Toyota. Toyota waxay adeegsataa nidaamka Lean
Manufacturing, oo lagu xaddido waqtiga shaqo si loo yareeyo khasaaraha iyo
khasaarihaba. Tusaale ahaan, Toyota waxay hal baabuur ku soo saartaa 17 saac,
laakiin marka la xisaabiyo tirada baabuurta ay soo saaraan iyo waqtiga ay
shaqeeyaan, waxaa soo baxaysa in halkii baabuur lagu dhammeeyo 55 ilbiriqsi.
Parkinson’s Law wuxuu kaa caawinayaa in aad ka fogaato meermeerid (dib u dhigasho), adigoo si cad u xaddidaya waqtiga shaqo lagu qabanayo. Sababtoo ah, sida xeerku sheegayo, shaqo kasta waxay la egtahay waqtiga loo asteeyo.
3- Law of Diminishing Marginal Returns.
Xeerka saddexaad ee xeerarka wax-soo-saarka waxaa la
yiraahdaa Law of Diminishing Marginal Returns. Waxaa aasaasay dhaqaalyahankii
reer Ingiriis David Ricardo. Ricardo wuxuu si qoto dheer u dersay dhulka iyo
wax-soo-saarka beeraha. Sidaas darteed, wuxuu yidhi: haddii shaqaalaha ka
shaqeynaya beero la kordhiyo iyadoo aan waxba laga beddelin tirada dhulka la
beegsanayo, wax-soo-saarka guud ee kasoo baxaya dhulkaa wuxuu bilaabayaa in uu
hoos u dhaco.
Xeerkan ayaa soo baxay xilli ay Ingiriiska ka jirtay cunto yari, waxaana si weyn loogu tixgaliyaa mid ka mid ah aragtiyihii muhiimka ahaa ee taariikhda dhaqaalaha.
Xeerka hoos-u-dhaca wax-soo-saarka dheeraadka ah
(diminishing marginal returns) maanta waxaa si weyn u adeegsada bangiyada iyo
shirkadaha maalgelinta. Marka laga hadlayo maalgelinta, waxaa la yiraahdaa:
"Markasta oo la kordhiyo tirada wax la gelinaayo meel gaar ah iyadoo aan la
kordhin waxyaabaha kale ee la jaanqaadaya, faa'iidada laga helo way
yaraataa."
Shirkadda Meta ayaa si muuqata uga faa’iideysatay xeerkan.
Waagii hore, Meta waxay xayeysiin ku sameyn jirtay Facebook si joogto ah,
taasoo keentay in dad badan oo xayeysiinta arka uu ka dhaco xiisihii ay u
qabeen badeecadaha lagu xayeysiinayo. Dad badan ayaa cabasho ka muujiyey in
xayeysiisyadaasi aysan keenin wax iib ah (sales). Meta waxay ogaadeen in
xad-dhaafka xayeysiinta uu keeno in qofka daawaduhu ka xiiso beelo badeecada
ama xayeysiinta uu caajiso. Sidaas darteed, waxay dejisay xeerar tilmaamaya inta
jeer ee xayeysiis la tusayo qof, taasoo sare u qaaday waxtarka xayeysiinta iyo
tirada dadkii wax iibsanayey.
Gabagabadii, xeerkan Diminishing Marginal Returns wuxuu ina
barayaa in wax walba leeyihiin xad cayiman. Haddii xadkaas la dhaafo, natiijada
laga helo waxay isu beddeshaa mid hoos u dhacda ama noqota khasaaro.
Xeerka Afaraad ee Wax-soosaarka: Mabda’a Goodhart
Xeerka afaraad ee wax-soosaarka waxaa la yiraahdaa
Goodhart’s Principle, waxaana curiyey dhaqaalyahanka Charles Goodhart.
Mabda’ani wuxuu sheegay in: "Markii cabbir (metric) uu noqdo yoolka
(target) la hiigsanayo, wuxuu lumiyaa qiimihiisii cabbir ahaan."
Tusaale ahaan, marka dhibcaha imtixaanka loo adeegsado sidii
cabbir lagu qiimeeyo fahamka ardayga, waxay dhibcuhu noqdaan bartilmaameed laga
shaqeeyo halkii ay ahaan lahaayeen cabbir xaqiiq ah oo muujinaya aqoonta. Taas
waxaa ka dhalata in ardaydu ay bilaabaan qish iyo barasho kooban oo ujeedadeedu
tahay in la keeno dhibco sare, halkii laga horumarin lahaa fahamka dhabta ah.
Sidaas darteed, dhibcaha imtixaanku mar dambe ma noqdaan cabbir sax ah oo lagu
qiimeeyo awoodda ardayga.
Sidoo kale, baraha bulshada ee Soomaalida, caan-nimada qofka
waxaa lagu cabbiraa tirada dadka raacsan (followers). Taasi waxay sababtay in
dad badani sameeyaan waxkasta — xitaa kuwo aan qiimo lahayn — si ay u kasbadaan
raacayaal badan, taasoo keenaysa in cabbirkaas uu noqdo mid aan run ka ahayn
tayada ama saamaynta qofka.
Xeerkan waxaa adeegsada shirkado badan oo caalami ah.
Tusaale ahaan, shirkadda bangiga ee Wells Fargo, waxay waxqabadka
shaqaalaha ku cabbiri jirtay tirada akoonnada ay furaan. Nasiib darro, taas
waxay keentay in shaqaale badani furaan akoonno been abuur ah (fake accounts)
si ay u helaan dhibcaha ama gunnooyinka la xiriira tirada akoonnada. Arintan oo
kale ayaa ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan bankiyada cusub, halkaas oo dadka
suuq-geynta (marketing) lagu cabbiro tirada dadka ay ku qancaan inay akoon
furtaan, iyadoon la fiirin tayada ama hawlgalka akoonka. Natiijadu waxay
noqotaa in tirada akoonnada aan firfircoonayn (inactive) ay ka badan karto kuwa
firfircoon.
Cashar laga bartay arrintan, shirkadda LinkedIn ayaa
beddeshay habkii ay u cabbiri jirtay waxqabadka. Halkii ay horay diiradda u
saari jirtay tirada jeer ee dadku booqdaan lifaaqyada (links), waxay hadda
xoogga saartay tirada dadka daabaca (share) qoraallada, taasoo ka tarjumeysa saameynta
iyo qiimaha dhabta ah ee waxyaabaha la wadaagayo.
Xeerka Shanaad ee Wax-soo-saarka: Peter Principle
Xeerka shanaad ee wax-soo-saarka waxaa la yiraahdaa Peter
Principle. Xeerkan waxaa hindisay Dr. Laurence J. Peter, waxaana uu sheegay:
" Shaqaalaha xilalka loo dallacsiiyo ugu dambeyn waxay
gaaraan meel aysan awoodin inay si hufan u gutaan.."
Tani waxay ka dhigan tahay in marka shaqaale la
dalacsiinayo, lagu qiimeeyo waxqabadkiisa shaqada uu hadda hayo. Sidaas
darteed, waxa dhacda in shaqsiga loo dallacsiiyo xil uusan u lahayn aqoon ama
xirfad, taas oo sababta in wax-soo-saarkiisa hoos u dhaco, sidoo kalena uu hoos
u dhaco waxqabadka guud ee shirkadda.
Tusaale ahaan, shirkadda Google ayaa la kulantay xaaladdan.
Inta badan shaqaalaha Google waa injineerro, markay dalacsiin doonaan qof shaqo
fiican ka qabtay injineernimada, waxay u dallaci jireen xilal sare oo dhinaca
maamulka ah. Hase yeeshee, dad badan oo injineerro ah ayaa la ogaadey in aysan
lahayn xirfadaha lagama maarmaanka u ah hoggaaminta sida maamulka, hannaanka
go’aan qaadashada, ama hab-dhaqanka hogaaminta. Waxaa dhacday in shaqaalihii
laga qaaday shaqadii injineernimo, la siiyay jagadii maamulka, balse uu ku
guuldareysto maamulidda, waxqabadkiisuna hoos u dhaco.
Arrintan darteed, Google waxay samaysay nidaam cusub oo la
yiraahdo "Dual Track", oo micnaheedu yahay in qofka la qiimeeyo labo
dhinac:
1. Xirfaddiisa farsamo (technical skills)
2. Kartidiisa maamulka (managerial skills)
Sidoo kale, waxaa la hubiyaa in shaqaalaha diyaar u yahay in
la dalacsiiyo, lagana helo rabitaan iyo awood uu ku qaado mas’uuliyad cusub.
Tusaale kale oo la mid ah ayaa ah qof si wanaagsan uga
shaqeeya qeybta iibka (sales), gaar ahaan xiriirka macaamiisha. Waxaa dhici
karta in shaqsigaas loo dallacsiiyo xil sare sida madaxda suuq-geynta (Head of
Marketing), halkaasoo laga rabo xirfado sida:
- Qorsheynta istaraatiijiyadda (strategic planning)
- Xallinta dhibaatooyinka (problem solving)
- Saameyn iyo wax-ka-dhawaajin (persuasion)
- Xirfado gorgortan iyo heshiisyo (negotiation skills)
Haddii shaqsigaasi xirfadahan uusan si fiican ugu qalmin,
waxay u badan tahay in uu ku fashilmo xilka cusub, isla markaana uu hoos u
dhaco waxqabadkiisii hore ee iibka.
Xeerka Lixaad: Gall`s Principle
Xeerka lixaad ee waxsoosaarka waxaa la yiraahdaa Gallas
Principle, waxaana hindisay nin la yiraahdo John Gall. Waxa uu xeerkan ka
hadlayaa horumarinta nidaamyada (systems development). John Gall wuxuu sheegay
in nidaamyada si wanaagsan u shaqeeya ay marka hore ku bilaabmeen qaab fudud
(simple). Sidaas darteed, waxa uu leeyahay:
“System-yada hadda adag ee shaqeynaya, waxay horey u ahaan
jireen kuwa fudud.”
Macnaha hadalkiisa waxa weeye: haddii aad rabto inaad dhisto
shirkad, hay’ad, ama application, waa in aad ka bilowdaa meel fudud oo sahlan,
kaddibna aad si tartiib tartiib ah ugu darto horumarin ama tillaabooyin kale oo
casri ah.
Tusaale ahaan: Instagram markii hore waxay ku bilaabatay
sidii app lagu kaydiyo sawirrada, waxaana loogu yeeri jiray Burbn. Dabadeed,
waxay si tartiib ah ugu dareen astaamo hor leh sida: stories, fariimo
(messages), muuqaallo (videos), iyo dukaameysi (shopping).
Sidaas darteed, wax kasta oo guuleysta waxa ay ka bilowdaan
qaab fudud, kadibna ayaa si habaysan loogu daraa waxyaabaha dheeraadka ah ee
horumarka keena.
7- Zipf`s law
Mid ka mid xeerarka saameynta ku yeeshta productivity rules
waxaa la dhahaa Zipf`s law, waxaa leh ninka la dhahao George kingsley Zipf, wuxuu
sheegaa `Human prefer paths of least” dadka waxey doorbidaan jidka ugu fudud
iney marwalba aadaan kaasaa la dhahaa least effort, jidka ugu dadaalka yara u
baahan marka uu bixinaayo. Cashirkaas iyadoo laga faa`ideysanaayo kambaniyada
waxey ku dadaalaan iney yareeyaan dadaalka qofka wax gadaanaya looga baahan
yahay, si uu waxbadan u gato. Tusaale haddii aan soo qaadano, kambaniyada waxey
sameeyaan purchase point oo ah waxa ayey rabaan iney dhaqsamo ay gadmaan, waxaa
sidaas sameeya super market yada, waxa ay rabaan iney dhaqsi socdaan adeeggaas
waxey keenaaan qeybta cashier ka iskafaaladda ugu dhow, sida dadka hore ay u
arkaan horana ay usii gataan. Amazon waxey sameysay Click purchase, qofka
haddii halmar wax uu ka gato in la keydiyo address kiisa, noca kaarka detal kiisa, si halmar click marka
uu dhaho ay soo xarooto xogta macaamiilkaas, sidaas darteed, haddii aad rabto
system inaad sameyso ama wax gato marwalba waxaa ku dedaashaa dedaalka qofka
gataha looga baahan yahay in uu yaraado, sababtoo ah iyadoo la eegaayo xeerkaan
dadka waxey doorbidaan jidka shaqada yar ee ugu baahan.
Qoraalkan waxa uu kaa caawinayaa qaababka go'aan qaadashada iyo kobcinta wax-soo-saarkaaga shaqsiga ah. Haddii aad rabto in aad si qoto dheer wax uga ogaato arrimahan, waxaad akhrin kartaa buugga Unfair Advantage ama The Art of Critical Thinking.
Qoraalkan waxaa laga soo diyaariyey muuqaal uu baahiyey dhaqaalyahanka Soomaaliyeed Dr. Cabdinuur Cali Maxamed. Ujeedkaygu wuxuu ahaa in aan u beddelo muuqaalkaas qaab qoraal ah, si qof kasta oo akhriya uu si buuxda ugu maarmaan karo daawashada muuqaalkaan.
Farshaxanka iyo habeynta qoraalkan waxaa diyaariyey Agaasimaha mareegta Keyd,
Mudane Axmed Carab.
M.a
ReplyDelete