Guinea's electricity surge: powering local small businesses and communities
Kororka Korontada Guinea: Kor u Qaadidda Ganacsiyada Yaryar iyo Bulshooyinka
QODOBADA MUHIIMKA AH (Story Highlights)
- Shabakadda gudbinta korontada ee OMVG (OMVG transmission network) ayaa si weyn u kordhisay awoodda ganacsiga korontada ee Guinea, taasoo hadda gaartay 340,000 KVA (electricity trade capacity). Sanadkii 2015 awooddan waxay ahayd eber, balse hadda waxay ka sarreysaa yoolkii mashruuca, waxayna suuragelisay is-weydaarsiga tamarta xuduudaha dalalka (cross-border energy exchange).
- Warshadaha korontada biyaha ku shaqeeya ee Guinea sida Kaleta iyo Souapiti (hydropower plants), waxay hadda bixiyaan tamar nadiif ah (clean energy) gudaha dalka, sidoo kalena sannad kasta waxay dhoofiyaan ilaa 1,174 GWh (gigawatt-hours) koronto ah dalalka Senegal, Gambia, iyo Guinea-Bissau. Tani waxay gacan ka geysaneysaa isbeddelka tamarta gobolka (regional energy transition) iyo dhimista ku-tiirsanaanta shidaalka (reducing reliance on fossil fuels).
- Waxaa la filayaa in khasaaraha shabakadda korontada (commercial losses) uu hoos uga dhaco 40% sanadkii 2025 ilaa 20% marka la gaaro 2030. Isbeddelkan waxaa sababay casriyeynta shabakadda (grid modernization), ka hortagga xadhkaha sharci darrada ah (regularization of illegal connections), iyo adeegsiga mitirrada lacagta hore loo bixiyo (pre-paid meters).
Qoraalkaan waxaa loogu talagalay in uu muujiyo sida Guinea u guulaysatay dib-u-dhiska nidaamkeeda koronto, iyadoo tamar nadiif ah u adeegsanaysa kobcinta ganacsiyada yaryar iyo horumarinta bulshada.
Mashruuca OMVG wuxuu tusaale u yahay sida kaabayaasha la wadaago (shared infrastructure) ay u noqon karaan il abuurista shaqooyin (job creation), horumar waara (sustainable development), iyo xasillooni dhaqaale oo gobolka oo dhan ah (economic resilience across West Africa).
Mashruucaan oo qayb ka ah Shabakadda Korontada Galbeedka Afrika (West African Power Pool – WAPP), taasoo ka kooban 14 dal, ayaa furaysa fursado cusub oo is-dhexgal dhaqaale iyo ganacsi koronto xuduudeed (regional integration and cross-border electricity trade).
______________________
''The positive impact of electricity is evident. Our city and the villages affected by mining activities were once held back by darkness. Today, reliable power has become a catalyst for change—attracting new businesses, reducing crime, and giving our young people real hope for decent jobs".
Mamadouba Camara,Boke’s Urban Secretary-Genera
“Saameynta wanaagsan ee korontadu waa muuqata. Magaaladayada iyo tuulooyinka ay saameeyeen hawlaha macdanta mar hore waxaa ka jiray mugdi. Maanta, koronto la isku halayn karo ayaa keentay isbeddel—waxay soo jiidatay ganacsiyo cusub, dhimista dambiyada, waxayna dhalinyarada siisay rajo dhab ah oo shaqooyin wanaagsan.”
— Mamadouba Camara, Xoghayaha Guud ee Magaalooyinka, Boke
Xuquuqda qoraalkaan waxaa laga soo qaatay world bank,
Source: World Bank Group https://share.google/GRRqGIVHP2YdZcirw

Mahadsanid saaxiib
ReplyDelete